Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Maayirkii U horreeyey ee Hargeysa

Hargeysa (SLpost) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo xabaalaha Baqiic ee duleedka Waqooyi ee caasimadda Hargeysa loogu sameeyey marxuum Cismaan Axmed Xasan (Cismaan Indhoole) oo xalay Hargeysa ku geeriyooday.

Aaska Qaran ee loo sameeyey Marxuum Cismaan Axmed Xasan oo kamid ahaa haldoorkii bulshada reer, shaqooyin badan oo muhiim ahna bulshadiisa usoo qabtay, oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen guddoomiyaha golaha guurtida, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin, ehellada marxuumka, ganacsato iyo dadweyne kale oo tiro badan, ayaa loogu duceeyey marxuumka, iyada oo ehellada iyo qaraabada uu ka tegayna Eebbe looga baryey inuu cawadsan ka siiyo.

Xaaji Maxamed Siciid Ducaale Dahabshiil oo ugu horrayn goobta jinaasada ka hadlay, ayaa marxuumka Eebbe uga rajeeyey inuu jannooyinkiisa ku casuumo, ehelladana samir iyo Iimaan ka siiyo.

Wasiirrada wasaaradaha Warfaafinta, iyo Diinta iyo Awqaafta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), ayaa iyaguna ku dheeraaday taariikhdii marxuum Cismaan, waxana ay ku sifeeyeen halyey ummaddiisa usoo shaqeeyey.
Guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa dhankiisa tacsi u diray ehellada iyo qaraabada marxuumka, waxana uu xusay inuu marxuumku door weyn kasoo qaatay dawladnimadii Somaliland iyo halgankii dibu-xoraynta dalkaba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo tacsiyeeyey ehellada marxuumka, una duceeyey, ayaa ka warramay shaqsiyaddii marxuumka, isaga oo ku tilmaamay nin shaqo wanaagsan soo qabtay.

“Wuxuu ahaa nin Ilaahay, mutawaaddic ah, in badan shaqaynayey intii uu Bani’aadam lasoo shaqaysayna qofna aanu erey xun ka sheegin, wuxuu ahaa shaqsiyad uu Ilaahay waafajiyey inuu adduunkana si gobonnimo leh oo ixtiraam leh u shaqeeya, Aakhirana u shaqaystay oo kusii talo galay geerida,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Allah ha u naxariistee Marxuum Cismaan Indhool, ayaa noqday Badhasaabka (Maayirka) magaalada Hargeysa 26-kii bishii June 1960-kii, waxaanu jagadaas hayay ilaa sanadkii 1961-kii.Taariikhdu markii ay ahayd 26-kii bishii June, ee 1960-kii, ayaa wuxuu noqday barasaabkii magaalada Hargeysa, iyadoo waqtigaa Somaliland oo dhan ay isku ahayd gobol kaliya, isagoo jagadaasi hayey illaa iyo sanadkii 1961-kii.

Marxuumka Ayaa sidoo kale noqday Badhasaabka (Maayirka) Ceerigaabo 1959-kii oo ku beegnayd hal sanno ka hor markii ay Somaliland xornimada ka qaadatay Maxmiyaddii Ingiriiska, sida Aanu ka soo Xigannay bogga internetka ee Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da oo warbixin ka diyaariyey taariikh-nololeedka marxuumka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net