Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Shaqsiyaddii Marxuum Suldaan Cabdi Suldaan Muxumed Nuur oo ku geeriyooday Dalka Maraykanka

 

Hargeysa (SLpost)- Allah naxariistiisa Janno Haka waraabiyee waxa maanta dalka Maraykanka ku geeriyooday Marxuum Suldaan Cabdi Suldaan Muxumed Guray Nuur oo ka mid ahaa Madax-dhaqameedka Somaliland isla markaana ahaan jiray Sarkaal ka tirsan Ciidamada dalka oo kaalin weyn kas oo qaatay dhismaha Ciidamada Somaliland.

Marxuumka ayaa Tobankii sanno ee u dambeeyey ka mid ahaa Madax-dhaqameedka gobolka Awdal, isagoo Xilka Saldannada loo caleemo-saaray Bishii January Sannadkii 2011-kii, kaddib markii uu Geeriyooday Aabihi Marxuum Suldaan Muxumed Guray Nuur bishii October Sannadkii 2009-kii.

Advertisement

Marxuumka waxa tacsi u diray isla markaana shaqsiyaddiisa iyo doorkii uu kula lahaa dhismaha Ciidamada dalka ka hadlay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo marxuumka ku sifeeyey waayo-arag khibrad leh oo door muhiim ah ka soo qaatay dhismihii Ciidamada dalka.

Dhambaal tacsi ah oo ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madax-weynaha, ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan Jamhuuriyadda Somaliland, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee taliyihii hore ee ciidamada Booliska iyo Asluubta Marxuum Cabdi Suldaan Muxumed Guray Nuur oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 16/04/2020, dalka Maraykanka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey taliye waayo arag ah oo khibrad u leh ciidamada, kaalin weyna ka soo qaatay dhismihii ciidamada, dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland. Sidoo kalena ka mid ahaa madax-dhaqameedka dalka.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, madaxda dahqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” sidaas ayaa lagu sheegay dhambaalka tacsida ah ee madaxweynaha.

 

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On