Madaxweynaha Somaliland oo Ka Hadlay Shaqsiyaddii Marxuum Siyaasi Xasan Mowliid Axmed oo Hargeysa ku geeriyooday

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shaqsiyaddii iyo doorkii uu dib-u-dhiska dalka ka soo qaatay Allah ha u naxariistee Marxuum Xasan Mowliid Axmed oo maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Marxuum Xasan Mowliid oo ka mid ahaa siyaasiyiinta dalka ee xilalka kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey, waxa uu madaxweyne Muuse Biixi ku tilmaamay ruug-caddaa siyaasi ah oo door muhiim ah ka soo qaatay dhismihii iyo nabadeyntii dalka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Dhambaal tacsi ah oo madaxweynuhu kaga hadlay shaqsyaddii iyo taariikhdii marxuumka, ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Mowliid Axmed oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 05/01/2022, Cusbitaalka guud ee caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday siyaasi ah oo ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii dalka, isagoo xilal ay ka mid ahaayeen wasiirka warfaafinta ee xukuumaddii AHU Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo safiirka dalalka France iyo Jabuuti oo uu ahaa wakhtigii xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu marxuumku qarankiisa ugu soo shaqeeyey.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”.