Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Qalalaasaha Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Mowqifka xukuumaddiisa

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay qalalaasaha siyaasadeed iyo qul=qulatooyinka ammaan ee ka taagan dalka Soomaaliya, waxaanu dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inay u badheedhay dhibaataynta dadka shacabka ah.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey magaalada Berbera oo uu socdaal shaqo ku joogo, waxa uu sheegay inay dawlad ahaan iyo qaran ahaanba ka damqanayaan dhibaatada iyo qaxa ay dawladda Xamar ka dhisani u geysatay shacabka Muqdisho oo uu sheegay inay qaddarin iyo ixtiraam badan u hayaan.

“Dawladdaas Xamar ka dhisani dhibaatada ay u geysatay dadka Xamar jooga iyo dhibaatada iyo qaxa ay gelisay aad iyo aad baannu uga damqanaynaa, Soomaaliya maamulka dadka hoggaamiya iyo siyaasiyiinta tallo xumadoodaannu is haynnaaye shacbiga walaalahayaga Soomaaliya marna dhibaato lama rabno, haddaannu haynona waa u gurman lahayn, markay dhibaato dhacdona waannu u gurmannaa,” ayuu yidhi Md Muuse Biixi.

Waxa kale oo madaxweynuhu yidhi, “Maanta aad baannu uga walaacnay oo aannu uga naxnay markaannu aragnay Xamar oo dib dagaal uga bilaabmayo, eeddaasna waxa leh dawladdii hoggaanka haysay oo iyadoo waqtigeedii dhammaaday damacday inaanay dadkii dhegaysan.”

“Shacabka Soomaaliya waxan leeyahay bal Soddon sanno oo ah waxaas aad maanta aragteen ah ee dhibaatadaasi idinka gaadhay baa naga haysta dawladihii Xamar ka dhismay, kan ilaa kuwii ka horreeyey, shicib ahaanna waxan idiin sheegayaa inaad ogaataan inaannaad dadka necbayn ee danteennu is diidday oo waxaas maanta aad ka sasteen ee caalamku ka yaabay ay soddonkaas sanno naga haysteen madaxdiina iyo dadka idiin taliya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net