Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Geerida Siyaasi Cali Khaliif Galeydh

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay geerida Allah ha u naxariistee Prof Cali Khaliif Galeydh oo maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu marxuumka ku sifeeyey ruug-caddaa waayo-arag ah oo Siyaasadda iyo Dhaqanka Soomaalida ku xeel-dheer, isla markaana uu door muhiim ah k asoo qaatay aasaaskii iyo dhismihii Jamhuuriyadda Somaliland.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Prof. Cali Khaliif Galaydh oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 08/10/2020 caasimada Dawlad Deegaanka Soomalida ee Jigjiga.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey ruugcadaa waaya-araga oo ku xeel dheeraa arrimaha siyaasada, isla markaana door weyn ka soo qaatay Aasaaska iyo dhismii dalka Jamhuuriyada somaliland, wuxuuna taariikh weyn ku lahaa sooyaalka taariikhda ummadda afka Soomaaliga ku hadasha khaasatan taariikhda Jamhuuriyada Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo,” Sidaas waxa lagu sheegay qoraal xambaarsan dhambaalka tacsi ee madaxweynaha oo ka soo baxay xafiiska warbaahinta.

 

Halkan ka Akhriso Taariikh nololeedkii Marxuum Cali Khaliif Galeydh

 

Somalilandpost.net

contact@Somalilandpost.net