Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Culayska Dhaqaale ee Doorashooyinka iyo Waajibka Shacabka Saaran

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in doorashooyinku culays dheeraad ah ku keenaan dhaqaalaha dalka sidaa awgeed looga baahan yahay shacabka inay doortaan Dad u qalma xilka ay bulshada qabanayaan si aanay marka dambe uga qoomamoon cidda ay doorteen.

Madaxweyne Biixi oo maanta ka hadlayey munaasibad uu xadhigga kaga jiray dhismaha Xarunta Hay’adda Dhowrista Tayada, waxa uu si qoto dheer uga hadlay faa’iidooyinka ku jira iyo dhibaatooyinka laga dhaxlo Doorashooyinka, isagoo ujeeddada hadalkiisu ku aroorayso doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo la qorsheeyey inay horaanta sannadkan ka qabsoomaan dalka, waxa uu iftiimiyey waajibaadka ka saaran shacabka inay fursadda doorashada ee gacantooda ku jirta ka faa’iidaystaan, codkoodana siiyaan dad xilkas ah oo dantooda iyo ta qarankaba ka shaqeeya

“Haddii lagu yidhaahdo xafiiskan cidda ugu wanaagsan, ayaa la dooranayaa oo shacabkii loo dhiibay oo la yidhi Dastuurku wuxuu yidhi dadka codkooda ayaa dalka xukuma oo iyagaa leh awoodda, laba is qaban maayaan, in doorashadii awooddeeda gacantaada la siiyey oo lagu yidhi dooro iyo inaad laba bilood kabacdi tidhaahdid shalay bay dhaantay,” sidaas ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu masuuliyadda cidda ku soo baxda doorashadaas iyo saluug kasta oo ka yimaadda mudaneyaasha la doortay dusha u saaray dadda shacabka maadaama oo ay iyagu dooranayaan, waxaanu yidhi, “Qof kasta oo muwaaddin ah waxan leeyahay waxa wanaagsan dooro, qofkii maanta lagu yidhi wax dooro lagaama sugayo inaan berri calaacasho oo aad tidhaahdo kuwii horaa dhaamay, kuwii horena wixii ay qabteena way qabteen, qof kasta oo xafiis qabtaana dhaliil wuu leeyahay, nin walibana wuu dedaalay, ninkii dhaliilayowna maantay joogtaaye mid ka wanaagsan soo dooro, taasna waxan leeyahay dadka codka bixinaya, haddaad dooran weydo cidda timaadda ha canaanan, wax wanaagsanna ha doonin, cid kalena eeddaas ma laha, xisbina ha canaanan, dawladna ha canaanane adigaaba laguu dhiibaye qofka ugu wanaagsan ee xafiis kuu qabanaya keen.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay doorashadu bulshada u kala qaybisay lab iyo dheddig, islamarkaana meesha laga saaray xuquuqdii haweenku u lahaayeen inay isu soo taagaan doorashooyinka soo socda, isaga oo shacabka ugu baaqay inay haweenka kaalintooda ka siiyaan doorashooyinka soo socda. waxana uu bulshada iyo murrashaxiinta hungurigu hayoba uga digay khasaaraha dhaqaale iyo midka waqti ee ay doorashooyinku leeyihiin, loogana baahan yahay inay si miyir qabta oo cilmi ku dhisan u maamulaan hawlaha doorashooyinka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net