Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Cilaaqaadka Somalia u jartay Kenya iyo Heshiiska Dhexmaray Uhurru Kenyata

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada safar muddo saddex maalmood ah qaatay ugu maqnaa dalka Kenya, ayaa maanta ku soo guryo noqday magaalada Hargeysa, kaddib markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee Caasimadda.

Madaxweynaha iyo waftigiisa waxa garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, qaar kamida golaha wasiirada, Taliyayaasha Ciidamada kala duwan, xildhibaano, salaadiin iyo masuuliyiin kale.

Advertisement

Madaxweyne Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay gudaha madaarka, ayaa faahfaahin ka siiyey ujeedada safarkaas iyo guulaha Somaliland kasoo hoysay heshiisyadii ay lasoo gashay dalka Kenya, waxaanu madaxweynuhu warbaahinta uga jawaabay su’aalo dhawra o ay ka waydiisay arrimaha safarkaasi.

Follow us On