Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Askar ka tirsan Ciidanka Booliska oo ku geeriyooday Shil-baabuur

Hargeysa (SLpost)- Allah ha u naxariistee waxa maanta shil baabuur ku geeriyooday Afar askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland, halka toddoba Askari oo kale dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen.

Shilka Baabuur oo ka dhacay duleedka Degmada Yagoori ee gobolka Sool, waxa geerida Askarta Ciidanka Booliska ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ciidanka Booliska, ehelka, Qaraamada, Asxaabta iyo Qaranka Somaliland tacsi u diray.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah: K/L Cumar Cali Cabdilaahi, L/A/le Maxamed Ibraahim Carab, D/le Sidiiq Maxamed Siciid iyo D/le Ayaanle Cabdi Yuusuf ooku geeriyooday Shil gaadhi Shalay oo ay taariikhdu ahayd 28/12/2021, oo ka dhacay duleedka Degmada Yagoori oo ka tirsan Gobolka Sool.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumiintaa ka tacsiyadaynayaa ciidanka booliska iyo guud ahaan ciidamada qalabka sida ee Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Afartaa marxuum, waxaanu madaxweynuhu inta dhaawaca ah oo ka kooban Todoba Askari Alle uga baryayaa inuu caafimaad sareecana ka siiyo dhaawaca ka soo gaadhay shilkaa gaadhiga.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinta ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidanka booliska, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”