Madaxweynaha Somaliland Oo Guddi Qaran u Xil-saaray Qaban-qaabada Aaska Marxuum Axmed Xaaji Cali CADAMI

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa Guddi heer qaran ah u xil-saaray qaban-qaabada Aaska Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaan-dhigga Somaliland Marxuum Axmed Xaaji Cali Cadami oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Guddiga oo uu horkacayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, ayaa sheegay in Sabtida Berri marxuumka lagu aasi doono Xabaalaha Halleeya ee Bariga magaalada Hargeysa abaaro 10-ka subaxnimo.

Muxuu madaxweyne Biixi ka yidhi Shaqsiyaddii marxuumka?

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu Marxuumka ku tilmaamay siyaasi ruug-caddaa ah oo qayb laxaad leh ka soo qaatay dhismihii dowladnimada iyo kobocii dimuqraadiyadda Somaliland, waxaanu madaxweynuhu dhambaal tacsi ah u diray, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Axmed Xaaji Cali Caddami.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

Taariikhdii Marxuumku ku lahaa Somaliland

Marxuum Cali waxa uu ka mid ahaa odayaashii ka qayb galay shirweynihii Dib-u-heshiisiinta beelaha Somaliland ee magaalada Burco oo lagaga dhawaaqay Dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland 18-kii May 1991.

Sidoo kale, wuxuu marxuumku ka qayb-galay shirweynihii labaad ee beelaha Somaliland magaalada Boorama ku qabsoomay 1993-kii, kaas oo lagu soo doortay Mdaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxaanu marxuum Cadami xukuumaddii xilligaas ka noqday Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.

Xilligii bilowga geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo aasaaskii nidaamka xisbiyada badan ee Somaliland oo ku beegnayd sannadkii 2001-dii, madaxweynihii Xiligaas Marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal, ayaa Marxuum Axmed Xaaji Cali Cadami u magacaabay Komishankii Doorashooyinka ee u horreeyey oo uu Guddoomiye ka noqday, isagoo xilkaas hayey ilaa doorashadii madaxtooyada ee uu ku soo baxay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin sannadkii 2003-kii.

Xukuumaddii Xisbiga Kulmiye ee madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo, ayuu marxuumku ka soo qabtay xilka Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland.

Marka laga yimaaddo bilowgii taariikhda marxuumk ee dowladnimada Somaliland, waxa uu Axmed Xaaji Cali Cadami xilal ka soo qabtay dowladdii Kacaanka ee Soomaaliya oo uu ka qabtay xilka maareeyaha Dekedda Berbera, isagoo markii dambe loo dalacsiiyey Maareeyaha Dekedaha Soomaaliya oo ku beegnayd uun wax yar ka hor burburkii dowladdii kacaanka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net