Madaxweynaha Somaliland oo Furay Wejiga 1aad ee Ballaadhinta Dekedda Berbera

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray wejiga 1aad ee ballaadhinta iyo Casriyeynta Dekedda Berbera.

Munaasibadda furitaanka Dekedda Berbera oo ku qabsoontay gudaha Marsada, waxa ka qab-galay madaxda Xisbiyada Mucaaradka, masuuliyiinta ka tirsan xukuumadda iyo labada gole baarlamaan, wufuud ka socota dowladaha Ethiopia iyo Guinea Bissau, saraakiisha saresare ee shirkadda DP World oo gacanta ku haysta maamulka iyo maalgeshiga Marsada Berbera iyo marti-sharaf kale.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey madasha, ayaa sheegay in ballaadhinta iyo casriyeynta dekedda Berbera aanay faa’ido u lahayn oo kaliya Somaliland, balse ay ka faa’idaysan doonaan waddamada mandaqadda Geeska Afrika oo uu ugu horreeyo Dalka Ethiopia oo saami boqolkiiba 19 ah ku leh maalgeshiga iyo ballaadhinta dekedda Berbera.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay in dekedda Berbera mustaqbalka noqon doonto marso adeegeedu la mid yahay adeegyada ay bixiyaan dekedaha ugu casrisan adduunka oo uu barbar dhigay maadaama ay ku taallo mandaqad istaraataji ah oo isku xidhaysa ganacsiga caalamka.

Muuqaalka Hoose Ka daawo Hadalkii madaxweynaha Somaliland

Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Ethiopia Axmed Shida, Wasiirka Gaadiidka Ethiopia iyo madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaaliya Ethiopia Mustafe Maxamuud Cumar oo dhammaantood bogaadiyey horumarka dekedda Berbera, iyagoo xusay muhiimadda ay marsada Berbera u leedahay dalka Ethiopia.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpos.net