Madaxweynaha Somaliland Oo Furay Dhisme 2 Dabaq Ah Oo Wasaaaradda Duulistu Yeelatay, Xadhiggana Ka Jaray Mashaariic Madaarka Hargeysa Laga Fuliyey (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xadhigga ka jaray Dhisme Laba dabaq ah oo wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland loo bineeyay.

Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay barxadda hore ee dhismahan oo laga hirgaliyey duleedka galbeed ee Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay inta Badan Wasiirrada xukuumadda Somaliland, shir-guddoonka Golaha Wakiilada, Xildhibaanno ka kala socday Labada aqal ee baarlamaanka iyo dadweyne kale oo tiro badan.

aFuritaanka dhismahan cusub oo wejahaddiisa hore dhammaanteed muraayado ka samaysan tahay, ayaa waxa ka hadlay isla-markaana si kooban uga sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dhismahani, Wasiirka wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanu tilmaamay in dhismahan oo ka kooban laba dabaq uu ku kacay adduun ka badan $ 200.000 doollar, oo ay Xukuumadda Somaliland bixisay, isla markaana lacagtii lagu iibiyey Dhismihii hore ee Wasaaradda lagu daray miisaaniyada qaranka, marbana aanay soo galin gacanta Wasaaradiisa.

“Madaxweyne dhismaha Wasaaraddani waxa uu badalay dhismihii hore ee afarta qol ka koobnaa, waxa dhismaha cusubi uu ka kooban yahay Laba iyo labaatan xafiis oo laba Hoolal waaweyn oo kuwa shirarka ah ay yihiin,dhismaha wuxuu dabooli doonaa dhamana baahiya xafiis ee aanu u qabnay, waxana Madaarka loogu soo dhaweeyey, bahda Duulimaadyada madaniga ahi kama maarnaan Madaarada, Wasaaradani waa mid farsamo madaxweyne, waxanau xaqiijinay balanqaadkaagii iyo dardaarankaagii.”

Wasaaradani wax aku baxday 280.000 $ laba boqol iyo sideetan kun oo dollar, waxa ay ka mid tahay waxqabadka iyo dhaxalka aad umaddan uga tagayso, waxay ka mid tahay wasaaraddo dhawr iyo toban gaadhaya oo aynu xaqiijinay dhismahooda.”

Wasiir Maxamuud Xaashi, sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo ay ka dhabeyso waxyaabaha ay ballan-qaaddo, isaga oo Mucaaradka ku canaantay in markii xukuumaddu ku guuleystay hirgakint awaddooyinka dalka iyo dhismayaasha dawladda ee gobollada dalka ay xukuumadda Mucaaradad uga dhigayaan arrimo kale oo aan meel mar ahayn, sida inaan loo baahnayn dhismayaal iyo waddooyin.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Mucaaradku, Markii xukuumaddu ay dhismayaaashan bilaabaysay waxay odhan jireen, dhagaxyadaa la dhigayaa waa been, markii ay arkeen in aanay been ahayn oo ay yihiin, wax sida cadceedda oo kale aan la qarin karinna, waxay yidhaahdeen daaro iyo waddooyin looma baahna oo dadka bakhtiyaya”

Wasiirka Duulistu waxa uu su’aal galiyey waxa ay Mucaaradku waxqabadka u yaqaanaa haddii dhismayaasha iyo waddooyinka xukuumaddu dalka ka hirgalisay ay dhaliilsan yihiin “Haddii aanay daaro iyo waddooyin waxqabad ahayn waxaynu is waydiinaynaa waxa waxqabadka ah, xukuumaddani waxay ballan-qaadana way fulisaa, waxa dadkana way dhowrtaa, hadii Xukuumadai tuug tahay waxaasi ma dhismeen, meeshanina waa kiishkii yaraa uun ee rag badani yaqiinay.”ayuu yidhi.

Intaasi ka dib, ayuu Madaxwaynaha Somaliland xadhigga ka jaray dhismaha wasaaradda duulista Somaliland, iyada oo markaasi ka dibna uu Wasiirka duulistu uu qol qol u soo mariyey dhammaan xafiisyada uu dhismahani ka kooban yahay.

Madaxwaynaha oo ayaa sidoo kale war-bixinno ka dhageystay hawl-wadeenada wasaaradda duulista ee uu xafiisyadooda galayey, waxayan uga warameen oo ay u faahfaahiyeen sida ay u wadaan shaqada ay qaranka u hayaan “Madaxwayne, xafiiskani wuxuu ka shaqeeyay inaan Wasaaradda iyo dadweynaha loo kala sheekaynin, oo toddobaad walba ilaa 100 qof oo madaarrada dalka ka dhoofa ayaanu waydiinaa waxay shaqadayada ku kordhinayaan ee tallo ah ama ay ku dhaliilayaan” sidaa waxa Madaxwaynaha u sheegay, Afhayeenka Wasaaradda Duulista, Saddaam Maxamed Axmed.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland oo ka dalka ka dhoofay, isaga oo ku sii jeedda dalalka Itoobiya iyo Ingiriiska, ayaa intii aanu bixin, waxa uu xadhigga ka jaray mashaariic horumarineed oo Wasaaradda Duulistu ka horgalisay Madaarka diyaaradaha ee Cigaal, kuwaasi oo ay ku jiraan mashaariic casriya, sida qalab lagu rakibay albaabka laga galo Madaarka, kaasi oo gaadhigu ku dhaafayo kaadh, kaasi oo u shaqeynaya sida kuwo adduunka horumaray.

Sidoo kale, waxa uu Madaxwaynuhu xadhiga ka jaray meelo loogu talo-galay inay fadhiistaan dadweynaha Madaarka booqda ama sugaya dad ka soo degaya, meelahaasi oo laga hiragliyey barxadda dambe ee Madaarka Hargeysa, meelahaasi oo lagu beeray dhir iyo ubax faro badan.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidoo kalena Furay Dib u dhis iyo balaadhin lagu sameeyey Terminalka soo degayaasha iyo goobta la dhigo sandaha dadka soo dega, waxana Madaxweynuhu uu sidoo kale uu furay balaadhin iyo kordhin lagu samaayey Adeega Camerada xaga amaanka ee CCTV-ga oo lagu kordhiyey qalab cusub.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kalena waxa uu furay qurxin lagu sameeyey Wajadaha hore ee VIP, Madaxweynaha iyo VIP Dadweynah, halka uu sidoo kalena kormeeray qalab cusub oo Casri ah oo shirka NASHA ee madaarka u qaabilsada arimaha adeegu ay soo kordhisay.

Intaasi ka dib, ayaa waxa Madaxwaynaha Somaliland oo ay wehelinayaan Wasiirrada xukuumadda qaarkood waxay soo kormeereen wejiga labaad ee dhismaha dhabaha diyaaraduhu ka haadaan ama ka soo deggaan, ee loo yaqaan Runeay-ga oo hada meel fiican maraya.

Madaxwaynuhu intii uu halkaasi ku sugnaa waxa uu war-bixin ka dhageystay mid ka mid ah Injineerada ajaanibka ah ee gacanta ku haya dhismaha dhabbahaasi, kaasi oo u faahfaahiyey sida ay hawshu u socoto.