Madaxweynaha Somaliland Oo Dhammeystiray Kharashka Aasaaska Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta furey munaasibad lagu Hirgelinta Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland oo lagu Qabtay Qasriga Madaxtooyada.

Munaasibada waxa ka qayb-galayshir-guddoonka Golaha wakiilada Somaliland, daneeyayaasha arrimaha dhalinyarada, xildhibaano, Maayarada magaalooyinka qaarkood, masuuliyiin ka tirsan xukuumada, dhalinyaro ka kala timi gobolada dalka, qaybaha bulshada iyo marti Sharaf kale.

Ugu horeyn waxa munaasibadaasi ka hadlay Agaasimaha sanduuqa horumarinta dhalinyarada Somaliland Khadar Ibraahim oo sharraxaad ka bixiyey maraaxilkii uu sanduuqani soo maray.

Waxa kale oo halkaas hadallo ka jeediyey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha, Mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi, Wasiirka Horumarinta Maaliyadda, Dr Sacad Cali Shire, Maayarka Caasimada Mudane Cabdikariim Axmed Mooge oo ku hadlayey Afka Maayarada Dalka, Gudoomiyaha Sonyo, Mudane Bedri Xasan Muxumed, agaasimaha Fulinta Nagaad, marwo Nafiisa Yuusuf, Mr, Simon Strachan oo ka socday Qaramada Midoobay, waxaanay dhammaantood ku dheeraadeen muhiimada iyo faa’iidada uu sanduuqaasi u leeyahay dhalinyarada iyo qaranka Somalilandba.

Ugu danbayna waxa madasha soo xidhay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo ku dhiirigeliyey dhammaan cid kasta oo gacan ka geysan karta arrinta sanduuqa inay qayb weyn ka qaataan sidii looga midho dhalin lahaa ujeedada sanduuqa laga leeyahay.

Madaxweyne Biixi waxa uu madasha kaga yaboohay lacag dhan $300,000 oo ahayd lacag ka dhinayd Bilowga iyo dhaqaajinta sanduuqa oo aasaaskiisa loo asteeyey 1 Milyan oo doolar.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu soo saaray bishii February 2020-kii ku dhaqan-geliyey xeerka Aasaaska sanduuqa Horumarinta Somaliland, kaas oo dhigaya in Sanduuqu yeelanayo Guddi maamul oo ka kooban 11 Xubnood oo uu Guddoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Hirgelinta Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland, ayaa qayb ka ah Barnaamijkii Siyaasadeed ee uu Madaxweyne Muuse Biixi ku galay Ololaha Tartankii Doorashada Madaxtooyada ee ku guulaystay Sannadkii 2017-kii.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net