Madaxweynaha Somaliland oo Dhagax-dhigay Dhismaha Waddo Laami ah oo gobolka Sanaag ku xidhaysa gobollada kale ee dalka

Burco (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo dhererkeedu yahay 370 Km, taasi oo laga dhagax dhigay tuuladda Ina Af-madoobe ee gobolka Togdheer.

Xafladii loo sameeyay dhagax dhiga jidkaasi waxa ka soo qeyb galay Wasiirro, Masuuliyiinta gobolka Togdheer iyo degmadda Burco, Gudida Horumarinta gobolka Togdheer iyo marti sharaf kala duwan.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in wadadani ahmiyad weyn ugu fadhido dalka isla markaana ay fududeynayso isku xidhka goboladda barri ee dalka.

 “Farxad aad iyo aad u weyn ayay ii tahay inaan maanta dhagax dhigo wadadan weyn ee muhiimka ah ee isku xidhaysa dalka oo waxtaraysa dalka intiisii badnayd oo Barri jira oo waddooyinku ka xun yihiin. Waxay ahayd in dalku kala go’naado oo aan laga faa’iidaysan aad iyo aad ayaanu uga xun nahay,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

IMG_0385Madaxweynaha oo hadalkiisii sii watay waxa uu yidhi “Waxa farxad inoo wada ah kulligeen inaynu bilownay inaan arrintaas (waddo xumada) aan baa’biino oo aan wax ka bedelno oo wadadani Barri tagto oo Ceerigaabo iyo deegaankeeda ay gaadho oo nimcooyinka gobolkaasi leeyahay ay dalka oo dhan soo wada gaadho oo la isu socon karo oo la isu tagi karo.”

 “Inshaalaahu waxaan rajaynayaa in wadadan dhismaheeda sidaynu uga wada tashano aynu uga wada qeyb qaadano gudo iyo dibadba si ay hawshaasi inoogu wada fusho. Annaguna dawlad ahaan waxaanu balan qaadaynaa inaanaan waxba kala hadhi doonin. Waxaanan rajaynaynaa inaanu qeybta ugu weyn ka qaadano,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo.

IMG_1510Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in hirgelinta jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo uu noqonayo mashruucii ugu balaadhnaa ee laga dhagax dhigo Somaliland, waxaanu tilmaamay in jidkaasi dhan yahay 370km.

 “Aad baan ugu faraxsan nahay in Madaxweynuhu saaka inoo dhagax dhigo wadadii isku xidhaysay Burco iyo Ceerigaabo oo ah waddo aad iyo aad u weyn oo ah 370km. waxa la odhan karaa mashruuc dalka ka fula waa kii ugu cuslaa. Ma aha wax maalin, laba, sanad iyo sadex-toona ku dhammaanaya, waa mashruuc u baahan in loo dhabar adaygo, in la iska kaashado oo laga wada qeyb-galo,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.

IMG_1522Wasiir Xirsi oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Madaxweynuhu himiladii iyo rabitaankii ayuu la yimid, waa inaynu iskugu geynayaa awoodeenna dhammaanteen, waxaanu rajaynaynaa in xoolaha lagu bixiyo oo dadka oo dhammi ka qeyb-galo oo dawladda laamaheeda kala duwan oo dhami ka qeyb qaataan. Waxaan rajaynayaa in Goleyaasha qaranka ee kala duwani ay tababarucaadka iyagu bilaabaan si ay bulshadda ugu horseedaan. Waxaan baaq u diraynaa muwaadiniinta Somaliland oo dhan. Waxa laga yaabaa inay ku caajis geliso oo aad tidhaahdo wadadani waa wax dheer oo la qaban kari maayo. Wax aynaan qabsan karini ma jiro.”

Wasiir-dawlaha Wasaarada Maaliyadda Cismaan Sacardiid (Cadaani) oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. AXmed Maxamuud Aadan. Anagoo ka wada-hadlayna waddada Ceerigaabo waxa uu yidhi geeridaydu waa xalaal haddii aan sameeyo waddada Ceerigaabo, waana intii aan la dooran. Waayo Madaxweynuhu waxa uu ogaa inta ku dhimatay waddadaas dheer iyada oo dhakhtar lagu soo wado ama ku xayirantay. Aniga waa maalin gaar ii ah iyo Wasiiradda Reer Ceerigaabo iyo shacabka Reer Somaliland ee Gobolka Sanaag ku nool, waxaana degan inta aanu ugu jecelnahay. Qofkasta oo wax jecel adduunka waxa uu ugu jecel yahay Hooyadii, Aabihii iyo wallaaladii. Dadka Ceerigaabo degan marka ay Hooyadii Xannuunsato Burco ayuu kula soo cararayey.”

IMG_0339Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo masuuliyiintii goobtaas ku sugnaa kaga duwanayd iada oo si gaar ah qiiro ugu muujisay hirgelinta waddada, ayaa tidhi, “Saaka Gobalka Sanaag waabaa u baryey. Sagaal sanno ayaan dariiqaas marayey, sagaalkaa sanno ee aan marayey Illahay ayaa ogaa sidii lagu marayey wakhti kastana waanu ducaysanaynay. Madaxweynaha Ilahayow baryo noo Raaji oo, wakaas maanta noo samaynaya waddada. Magaalada aan ku dhashay ee xuduntaydu ay taalo waxaan leeyahay, Sanaag ha loo gurmado sidii waddadaas loogu dhisilahaa oo aynu u hurno wakhtiga, waxaanan u malaynayaa maalinta aynu dhisno waddadaas inaynu kumanaanka sanno ee soo socda aynu hore uga sii socon doono.”

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo xubno kale oo ka tisan Xukuumadda.

SOMALILANDPOST.NET