Madaxweynaha Somaliland oo Ciidanka Qaranka ku hambalyeeyey Sannad-guurada 28aad oo Berri ku beegan

Somaliland president, Muse Bihi Abdi
Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa Ciidanka Qaranka ku hambaleeyey xuska sannad-guurada 28aad ee ka soo wareegtay markii la aasay ciidanka Qaranka Sannadkii 1994-kii.

Madaxweynaha Somalialnd, Muuse Biixi Cabdi

Xuska Sannad-guurada 28aad ee Ciidanka Qaranka, ayaa ku beegan Arbaca Berri, waxaana xarunta taliska Guud ee Ciidanka Qaranka lagu qaban doonaa munaasibad lagu xusayo aasaaskii Ciidanka Qaranka.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo xambaarsan hambalyada madaxweynuhu u diray Ciidanka Qaranka, ayaa lagu yidhi, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu dhammbaal hambalyo ah u dirayaa ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, saraakiisha, saraakiil ku xigeennada, ilaa dable, meel ay joogaanba xuska sannad guuradda 28-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay ciidanka Qaranka Somaliland. Kuna beegnayd bishii labaad labadeedii sanadkii 1994-kii (02/02/1994) oo ku beegan Arbacada Berri.

Advertisement

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale hambalyo taa la mid ah u dirayaa dhammaan qoysaska ciidanka naftood hurayaasha qaranka meel ay ka joogaanba.

Madaxweynuhu waxa uu ciidamada iyo qoysaskoodaba u rajaynayaa inay sannadka sanadkiisa ku gaadhaan nabadgelyo, barwaaqo iyo bash-bash, halkaana ka sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan ka midho dhallinta himilada iyo adkaynta difaaca dalka iyo dadka Somaliland, taas oo ah mid ay shacbiga Somaliland muddadaa 28-ka sanno ah kaga gam’een ciidamada qaranka kalsooni iyo adkaynta jiritaanka qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.”

Advertisement