Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u fiyey Maxaabiis laga hayo maamul goboleedka Puntland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa cafis u fidiyey Maxaabiis maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland lagaga qabtay iska-hor imaad ciidan oo sannadkii hore dhexmaray Ciidanka Qaranka Somaliland.

 

Madaxweynaha oo caawa hadal ka jeediyey munaasibad lagu xusay munaasibadda 18-ka May oo lagu qabtay Madaxtooyada, waxa uu sheegay in Somaliland mar walba danaynayso inay nabad kula noolaato guud ahaan dalalka deriska, gaar ahaanna dalka Soomaaliya, waxaanu sheegay inuu tallaabada uu maxaabiista cafiska ugu fidiyey tahay mid uu ku xoojinayo dedaalka xukuumaddiisa ee nabad-ku-soo dabbaalidda mandaqadda Geeska Afrika.

 

MUUQAALKAN HOOSE KAGA BOGO HADAL MADAXWEYNAHA.