Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u Fidiyey Maxaabiistii ugu tirada Badnayd iyo Kuwa laga Reebay

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa cafis u fidiyey maxaabiis tiradoodu dhan tahay 800 oo ku xidhan Xabsiyada dalka si loo xakameeyo isla markaana looga hortago caabuqa CoronaVirus.

Maxaabiista cafiska loo fidiyey oo la sheegay inay ka reebban yihiin kuwa dambiyada cul-culus u xidhan, waxa uu madaxweynuhu cafiskooda u gudbiyey hay’adaha garsoorka dalka, Asluubta, iyo wasaaradda Cadaaladda, kuwaas oo uu faray inay ka soo talo-bixiyaan kiisaska maxaabiista si loo kala saaro kuwa dambigoodu culus yahay iyo kuwa u xidhan dambiyada fudud.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyada la xidhiidha tallaabadan madaxweynuhu cafiska ugu fidinayo maxaabiista, waxa uu madaxweynuhu cafiska ka reebay maxaabiista u xidhan kiisaska la xidhiidha Argagixisada, dilalka, Budhcad-badeedda, Ka-ganacsiga Maan-dooriyeyaasha iyo Kufsiga.

Warku waxa uu intaas ku daray in waaxda Xeer ilaalintu ay Talista Ciidanka Asluubta u gudbisay maxaabiista la sii daynayo, kaddib markii ay hay’adaha garsoorku isla eegeen kiisaska ay u xidhan yihiin maxaabiista cafiska madaxweynaha lagu sii dayn karo todobaadkii hore.

Qaar ka mid ah maxaabiista xidhan ayaa la sheegay in Sabtida maanta qaarkood lagu sii daayey cafiska madaxweynaha, in kasta oo aanay jirin digreeto qoraal oo madaxweynuhu ku shaaciyey tirada maxaabiista uu cafiska u fidiyey ee la sii daynayo.

Tirada maxaabiista cafiska loo fidiyey ayaa noqonaysa tiradii ugu badnayd ee madaxweynuhu mar kaliya cafiska u fidiyey, iyadoo sababtu tahay sidii loo xoojin lahaa dedaallada xukuumaddu ku doonayso ka-hortagga Caabuqa CoronaVirus oo si xawli ah u faafaya dunida.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland