Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u Fidiyey Boqolaal Maxaabiis ah

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray oo sumaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-953/112022, waxa uu cafis ugu fidiyey maxaabiista ku jirta Xabsiyada dalka ee dambiyada fudud u xidhan.

Wareegtada Madaxweyanaha oo ka duulaysa saamaynta caafimaad ee ka dhalatay xannuunka xumadda oo faro-baas ku haya bulshada, fayo-dhowrka maxaabiista ku jirta xabsiyada oo buux-dhaafay iyo qoraal xafiiska xeer-ilaalintu madaxweynaha kaga codsaday xafiska maxabiista 8-dii bishan 11aad, waxa uu Md Muuse Biixi Cafis u fidiyey tiro ku dhow 600 maxbuus.

Sidoo kale, wareegtada Madaxweynaha oo ka duulaysa Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta 7-dii bishan ku soo gudbiyey Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan, waxa uu madaxweynuhu ku yidhi, “In Laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Dalka ku xidhan oo tiradoodu dhan tahay 594 (Shan Boqol iyo Afar iyo Sagaashan) maxbuus.”

Advertisement

“Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raad ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan,” Sidaas ayuu Md Muuse Biixi ku yidhi wareegtada uu cafiska ugu fidiyey 594-ka maxbuus.

Somalilandpos.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On