Madaxweynaha Somaliland Oo Cafis u Fidiyey 388 Maxbuus

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray, waxa uu cafis guud ugu fidiyey maxaabiista dambiyada fudud ugu xidhan Xabsiyada Dalka.

Madaxweynuhu waxa uu wareegtadiisa ku sheegay in curashada sannadka cusub ee Islaamka awgeed uu cafis guud u fidiyey maxaabiis tiradoodu dhan tahay 388 maxbuus oo Dambiyo fudud ku xukuman.

“Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka,” Sidaas ayuu madaxweynuhu ku sheegay wareegto xambaarsan dariiqa sharci ee uu u maray cafiska maxaabiista.

Wareegtada madaxweynaha uu cafiska ugu fidiyey maxaabiista, ayaa ka shidaal-qaadanaysa Farqadda 5aad ee qodobka 90aad ee dastuurka Somaliland, Warbixin uu u soo gudbiyey Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta iyo Soo-jeedin uga timi Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpostnet