Madaxweynaha Somaliland oo booqday fadhiisimada ciidammada Qaranka ee Gobolka Buuhoodle

Qorilugud (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo hoggaaminaya wefti ballaadhan, ayaa maanta boogasho ugu tegay qaar kamid ah fadhiisimada ciidamada qaranka ee jiidaha u dhexeeya degmooyinka Qorilugud iyo Buuhoodle.

Madaxweynaha oo ku gudo-jira socdaal indho-indhayn ah oo uu ku marayo gobollada Bariga dalka, waxa indha-indheeyey xaaladda fadhiisimada ciidanka, waxaanu warbiximo ka dhegaystay taliyaha ciidanka qaranka Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo socdaalka ku wehelinaya.

Madaxweynaha waxa uu ciidamada u jeediyey khudbad xambaarsan dhiirrigelin, bogaadin iyo dardaaran ku aaddan hawlaha ay qarnka u hayaan, waxaanu halkaas uga ballan-qaaday inaanay xukuumaddiisu waxba ka hakran doonin dhismaha iyo tayeynta ciidanka Qaranka.

Advertisement

Madaxweyne Biixi uu xusay inay xukuumad ahaan ka go’an tahay difaacista qaranimada iyo fidinta maammulka oo uu xusay inay si deg-deg ah u gaadhsiin doonaan Xuduuudaha Somaliland.

Follow us On