Madaxweynaha Somaliland Oo Booqday Askar ku Dhaawacantay Dagaalka Laascaanood

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer uu xaaladdooda ku indho-indhaynayo ugu tagay qaar ka mid ah askarta Ciidanka Qaranka ee dhaawacyadu ka soo gaadheen dagaalka magaalada Laascaanood ku dhex-maray malleeshiyaadka ka amar-qaata Garaaddada ku sugan xarunta gobolka Sool.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu booqasho ugu tagay bukaan-jiifka ku sugan Cusbitaallo ku yaalla Hargeysa.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa u kormeeray Cusbitaalka guud ee Hargeysa iyo Cusbitaalka Ciiddamada Qaranka ee Birjeex, waxaanu inta badan dul-istagay bukaan jiifka oo dhan, waxaanu ugu duceeyay in u illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo dhamaantood. Isla markaarna waxa u Madaxweynuhu mid mid u gacan qaaday geesiyaashii Qaranka ee ku soo dhaawacmay Laascaanood, isagoo u kuurgalay mid walba xaaladiisa caafimaad, dhakhaatiirtii u adeegaysayna madaxwaynuhu wuxuu u sheegay in ay dawladu waxwalba u hurayso daryeelkooda caafimaad. waxaana uu ugu duceeyay in illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo, kuwii naftooda u huray difaaca dalka iyo dadkana naxariistii janno Alle ka waraabiiyo.

Advertisement

Sidoo kale Madaxwaynhu waxa u cadeeyaay in geesiyaasha Qaranaka ee dhawaaca ah dawladdu u hurayso wax walba daryeelkooda caafimaadkooda ismalarkaana daryeelka qoysaskii geesiyaasha naftooda huray uu yahay waajib saaran Qaranka Somaliland.

Ugu danbayna Madaxwaynuhu waxa u bogaadiyaay sida fiican ee bahda Caafimaadka oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku uga hawl-galeen gurmadkii caafimaad, iyagoo si waddannimo ah uga shaqaynaayey Cusbitaalada, Oog, Caynaba, Burco iyo Hargaysaba.” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Hargeysa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On