Madaxweynaha Somaliland Oo Bixiyey Gabadh Madaxweynaha Jabuuti Dhalay Oo Loo Geed-fadhiistay

Jabuuti (SLpost) – Caasimadda Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti waxa maanta ka dhacday Xaflad dhaqan oo kulmisay Madaxda Dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo hal-door kale oo lagu Marti-qaaday.

Xafladdan dhaqan ayaa ahayd mid la iskugu Meheriyey Gabadh Magaceedu yahay Heybado oo uu dhalay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Saadiq Joon oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya.

Xafladda dhaqan oo ahayd mid kulmisay Siyaasiyiin kala matalayey Dalal iyo Dawlado kala aragti duwan isla-markaana qaarkood siyaasiyan isku hayaan, ayaa ku bilaabantay khudbado ku qotoma Taariikhda Soomaalida iyo siday Soomaalida Gobolka Geeska Afrika isku dhaqanka u yihiin iyo ahmiyadda Guurku u leeyahay nabadda iyo is-dhexgalka Bulshada, ayaa lagu bixiyey Heybado Ismaaciil Cumar Geelle oo la siiyey Xildhibaan Saadiq Joon oo reer Soomaaliya Ah.

Advertisement

Marwo Heybado Ismacil ayaa waxa bixiyey Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka Wakiil ahaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo guud ahaan Qoyska reer Cumar Geelle.

Follow us On