Madaxweynaha Somaliland oo Baaq Gar-naqsi ah u jeediyey Beesha Caalamka

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa baaq garnaqsi ah u diray beesha Caalamka oo uu ku cannaantay sida ay isaga indho-tirayaan Aqoonsi ay ka hesho maadaama ay ka hirgashay nidaam dimuqraadiyadeed iyo Dowladnimo ku dhisan kala-dambaynta iyo isu-tanaasul aan ka jirin meelo badan oo caalamka ah.

Madaxweyne Muuse Biixi oo soo xidhay Shirweynaha 4aad ee Kulmiye

Madaxweyne Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyey gunaanadka shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye oo mar kale loogu doortay guddoomiyenimada Xisbigaas Shanta sanno ee soo socota, waxa uu sheegay inay shacabka Somaliland ka xun yihiin garawshiinyo la’aanta beesha Caalamka kaga caqa-jiidayaan inay aqoonsadaan horumarka iyo dhismaha dowladnimo ee Somaliland, isaga oo gef ku tilmaamay tallaabada beesha caalamku ku hagratay.

“Somaliland iyo shirweynaha KULMIYE, waxa ay bulshada caalamka u dirayaan oo aannu leenahay bulshada Somaliland aad bay uga xun tahay, mana garowsana, 30-sannadood oo ay dalkooda dhisayeen oo ay nabad kusoo celiyeen oo ay horumar dhaqaale, mid aqooneed iyo mid dhinac walba ah sameeyeen oo ay doorashooyin Dimuqraaddi ah oo xil isku wareejin ah sameeyeen oo xisbiyo tartamaya sameeyeen, khilaafkooda oo aanay cidina soo dhexgelina dhammaysteen.

Waxaannu leenahay in indhaha laga qabsado oo aqoonsiga lagala maago ma qabato Somaliland,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta khudbad ka jeediyey Shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye oo maanta la soo gebo-gabeeyey.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net