Madaxweynaha Somaliland Oo Baaq Caalami ah ka soo saaray Masiibada Suuqa Waaheen

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray baaq caalami ah oo taageero loogu raadiyo dadkii ay saamaysay musiibada dabka ee dhawaan baabi’isay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi

Baaqa Madaxweynaha oo ku socda beesha caalamka, kuna lifaaqan tahay warbixinta hordhaca ah ee ay soo saareen guddida taakulaynta heer qaran ee Suuqa Waaheen, waxa uu madaxweynuhu saaxiibadda Somaliland iyo beesha Caalamkaba ugu baaqay inay ka qayb-qaataan dedaallada lagu xoolaynayo ganacsatada Suuqa Waaheen.

Madaxweynuhu waxa uu baaqa ku sheegay in Saamaynta ka dhalatay masiibadani ay taabatay dhammaan shacabka ku nool Hargeysa isla markaana ay saamayn dhaqaale iyo mid maskaxeed oo baaxad weyn ku yeelatay.

Advertisement

“Masiibada dabkan oo ah mid aan nooceeda hore loo arag, waxay saamaysay qoys kasta oo Hargeysa ku nool, si toos ah iyo si dadbanba, waxaana shaki la’aan ah in saamaynta dhaqaale iyo midka maskaxeed ee ay ku yeelatay Dadka ay dhibaatadu saameysey ay aad u weyn tahay,” sidaas ayuu madaxweynuhu ku yidhi baaqa.

Waxa uu madaxweynuhu sheegay in deg-deg loogu baahan yahay adduun lacageed oo gaadhay $2 Bilyan oo loogu talo-galay gurmad bani’aadamnimo iyo mid nololeed oo lagu taageerayo in ka badan 5,000 Ganacsi.

“Waxa xusid mudan in masiibadani ay sababtay sare u kac ku yimi qiimaha badeecadaha, taasoo ka sii dartay xaaladda sicir-bararka hore uga jiray caalamka,” sidaas ayuu madaxweynuhu ku yidhii Baaqa Caalamiga ah ee uu ka soo saaray masiibada Dabka burburiyey Ganacsigii Suuqa ugu weyn Somaliland ee Waaheen.

LIFAAQYADA KU LAMMAAN BAAQA MADAXWEYNAHA

Follow us On