Madaxweynaha Somaliland iyo Wufuuddii ugu Miisaanka Cuslayd oo ka Qayb-galay Xuska 28-guurada Ciidanka Qaranka

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey xuska sannad-guurada 28-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka qaranka Somaliland oo ku beegnayd 1994-kii.

Munaasibadda loo sameeyey xuska ciidanka oo ku qabsoontay Xarunta Taliska Guud, waxa madaxweynaha kala qaybgalay guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, guddoomiyaha maxkamadda sare, Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, xubno katirsan axsaabta qaranka, wefti ka socda dalka Jabuuti oo uu hoggaaminayo taliye-ku-xigeenka ciidanka militeriga dalka Jabuuti General Daahir Cali Maxamed oo ay wehelinayaan taliyeyaasha ciidamada Booliska Kornayl Cabdilaahi Cabdi Faarax, madaxtooyada Kornayl Maxamed Jaamac Ducaale, ilaalada xeebaha iyo cirka, Kornayl Wacays Cumar Boqore, wefti ka socda dalka Ethiopia oo uu hoggaaminayo, hoggaanka guud ee nabadgelyada ciidanka Ethiopia General. Burhan Bekel oo ay weheliyaan Taliyaha Leyuu Booliska dawlad-deegaanka Soomaalida, General Maxamed Xaaji iyo saraakiil kale, safiirro ka socda dalalka Jabuuti, Taiwan, Ethiopia iyo Turkiga, hoggaannada kala duwan ee ciidankaa Militeriga iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas lagu soo bandhigay guulihii kala duwanaa ee ay ciidanka Militerigu dalka soo gaadhsiiyeen iyo kaalinta ay ku leeyihiin nabadda, sugidda xuduudaha iyo horumarka qaranka Somaliland.

Ugu horrayn kooxda fannaaniinta ciidanka qaranka, ayaa madasha kusoo bandhigay masraxiyad ka turjumaysa kaalinta ay ciidanka qaranku kaga jiraan horumarka dalka, adkaynta amniga, xallinta khilaafaadka iyo hirgelinta dawladnimada, taas oo si weyn usoo jiidatay madaxdii goobta ku sugnayd.

Advertisement

Taliyaha ciidanka Booliska dalka Jabuuti Kornayn Cabdilaahi Cabdi oo ku hadlay magaca weftgiga ka socda dalka Jabuuti, ayaa ammaanay ciidanka militeriga Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku sifeeyey ciidan sharafi ka muuqato, isaga oo ku hambalyeeyey munaasibadda xuska sannad-guuradooda.

Genenal Maxamed Xaaji oo ka socda dawladda deegaanka Soomaalida oo ku hadlayey magaca weftiga Ethiopia, ayaa Jamhuuriyadda Somaliland iyo ciidankeeda ku bogaadiyey horumarka dhinacyada kala duwan leh ee ay ku tallaabsatay, isaga oo sidoo kale ku bogaadiyey wada-shaqaynta wanaagsan ee kala dhaxaysa ciidamada dalalka deriska.

Taliyaha ciidanka militeriga Jamhuuriyadda Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ka warramay horumarka uu ciidanka qaranku u tallaabsaday, duruufaha kala duwan ee kusoo shaqeeyey, heerka uu maanta taagan yahay iyo sida uu astaanta ugu yahay haybadda iyo horumarka qaranka, waxana uu caddeeyey inay Jamhuuriyadda Somaliland, haysato cudud ciidan oo ku filan, tabobar casri ah qaba, waajibaadkii saarnaana gudanaya.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateey (Fariid), ayaa isaguna dhankiisa bogaadiyey ciidanka militeriga Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta 28-jirsaday, waxana uu ku dheeraaday mashaariicda kala duwan ee dhinaca ciidanka horumarintiisa la xidhiidha, kuwaas oo laga maalgeliyey miisaaniyadda qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, Mudane Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ciidamada militeriga dalka, hoggaammadooda, iyo xaasaskoodaba u diray hambalyo iyo bogaadin, waxana uu ku sifeeyey naftood hurayaal ku xardhan taariikhda ma guurtada ah ee qarankani leeyahay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ciidamada qaranka ku tilmaamay kuwo waajibkoodii kasoo baxay, manfacooduna xuduudda ka gudbay oo uu heer gobol gaadhay.

“Ciidamada kala duwan ee Somaliland ee ku mashquulsan waajibaadkooda amniga dalka, ka gobolka iyo keennaba waxan aad iyo aad ugu hambalyeynayaa inay waajibaadkooda guteen, Somaliland-na nabad ku ilaaliyeen, dalalka aynu jaarka nahayna aynu wax badan kaga gudban nahay,” sidaa waxa yidhi madaxweynaha Somaliland.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu kormeeray cusbitaal casri ah oo ciidanka qaranka looga bineeyey gudaha xarunta Birjeex, waxana uu xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo ciidanka loo bineeyey.

Si kastaba ha ahaatee, Xuska Sannadk-guurada 28aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa kuwii hore kaga duwan baaxadda iyo miisaanka wufuudda ka socotay dalalka Deriska ee sannadkan lagu marti-qaaday.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement