Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigii uu hoggaaminayey oo ku Waaberiistay magaalada Laasqoray ee gobolka Sanaag

Laasqoray (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaadinayey, ayaa saaka subaxnimadii hore ku waaberiistay magaalo-xeebeedda Lasqoray ee gobolka Sanaag.

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftiga uu hoggaaminayo oo shalay socdaal kaga baxay magaalada Berbera, ayaa sii maray deegaamo ku teedsan xeebaha gobollada Saaxil iyo Sanaag, waxaanu xalay ku hoyday magaalada Qadiimiga ah ee Maydh oo ay ku Duugan yihiin Culimo si weyn looga yaqaano dhulka Soomaalida.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga la socda oo markii hore lagu waday inay maanta u amba-baxaan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa mar kaliya ku waaberiistay degmada Laasqoray, waxaanay amakaag iyo layaab ku noqotay dadka deegaanka Laasqoray weftiga oo aanay meesha ka filayn.

Socdaalka Madaxweynaha Somaliland ku gaadhay degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag, ayaa noqonaya markii u horreysay oo madaxweyne Somaliland ahi socdaal ku gaadho deegaamadaas.

La soco Wixii Warar ka soo Kordha……

SOMALILANDPOST.NET