Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo Safar ugu Baxay Dalka Maraykanka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti miisaan leh oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo ugu anba-baxay dalka Maraykanka.

Safarka madaxweynaha ayaa ka dambeeyey kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay Dowladda Maraykanka oo dhammaadka sannadkii hore wefti ka socda aqalka Congress-ka u soo dirtay Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Goor-dhawayd ka duullay gegida diyaaradaha ee Egal International Airport ee magaalada Hargeysa, waxa ku wehelinaya xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada iyo Ganacsato waaweyn oo magac ku leh Somaliland.

Xubnaha Weftiga Madaxweynaha ee ka socda Xukuumadda, waxa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud, Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiir Warfaafinta, wacyigelinta iyo Dhaqanka Saleebaan Cali Koore, Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo
Wasiirka Degaanka Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Xubnaha Ganacsatada ee xubnaha ka ah weftiga, ayaa kala ah Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil Group Maxamed Siciid Ducaale, Guddoomiyaha shirkadaha Somcable iyo MSG Maxamed Siciid Geeddi, Guddoomiyaha shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom Cabdikariim Maxamad Iid iyo Cabdinaasir Aadan Nuur oo ka mid ah Guddiga Sare ee Shirkadda Telesom.

Bulshada Rayidka ah waxa Weftiga Madaxweynaha Somaliland kaga jira Madaxa Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Dr Jaamac Muuse Jaamac.

Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato saraakiil ka tirsan dowladda Maraykanka, waxanau 14-ka bishan khudbad ku saabsan xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland ka jeedin doonaa Golaha Heritage Foundation.

Socdaalka madaxweynaha ayaa daba-socda safar ay bishii December ee sannadkii hore dalka ku yimaaddeen wefti ka socda Aqalka Congress-ka Maraykanka, kuwaas oo Madaxweynuhu kulan kula qaatay Hargeysa.