Madaxweynaha Somalia oo Weji-gabax Kala Kulmay Shirka Midowga Afrika ee Addis Ababa

Addis Ababa (SLpost)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa weji gabax kala kulmay ka-qayb-galka Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmay Magaalada Addis Ababa.

Weftiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga horjoogsaday gelitaanka xarunta Shirka kaddib markii ilaalada Xasan Sheekh Maxamuud isku dayeen inay hubkooda la galaan hoolka shirku ka socday.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii dambe gudaha hoolka shirka u raacay weftiga madaxweynaha Jabuuti, halka xubnihii kale ee weftiga Soomaaliya loo diiday inay gudaha u galaan.

Sida ay qortay warbaahinta dalka Ethiopia, Xukuumadda Addis Ababa ayaa arrintan ku sababaysay kaddib markii madaxweynaha Soomaaliya ku gacan saydhay inay ammaankiisa ilaaliyaan ilaalo gaar ah oo Itoobiya ugu tala-gashay amniga madaxda ka qayb-galaysa shirka.

“Maadaama aanu nahay Dalka martida loo yahay, dowladda Itoobiya waxay masuul ka tahay amniga madaxda dowladaha inta ay dalka ku sugan yihiin,” sidaa waxa yidhi Afhayeen u hadlay Xafiiska ra’iisal-wasaaraha Ethiopia.

Weftiga madaxweynaha Soomaaliya ee laga horjoogsaday ka-qayb-galka shirka, ayaa gelinkii dambe ee maanta ka soo ambabaxay Magaalada Addis Ababa iyagoo soo raacay diyaarad gaar loo leeyahay, taas oo abbaaro 6:25 daqiiqo fadhiisatay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay inay dowlad ahaan cambaareynayaan dhacdadan, waxaanay Ururka Midowga Afrika ka dalbadeen baadhitaan qoto-dheer oo lagu sameeyo dhacdadan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net