Madaxweynaha Somalia Oo U Kicitimay Itoobiya

Muqdisho  (SL.Post)  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow u duulay magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya, halkaasoo uu uga qeyb galayo shir madaxeedka IGAD.

 

 

madaxweynaha-safar

 

 

 

 

 

 

 

Sida ay sheegayaan wararka Madaxda urur goboleedka IGAD ayaa shirkooda kaga hadlaya arrimaha Koofurta Sudan iyo doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya.

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shirka ka qeyb galaya, waxaana ay goor dhoweyd diyaarad qaas ah ka raaceen garoonka diyaaradaha Aadan cadde.

 

 

Ammaanka ayaa la adkeeyay, ka hor inta aanu Madaxweynaha dhoofin, iyadoo la xiray wada ka baxda Madaxtooyada, ee marta Ceel-Gaabta, Dekeda Muqdisho illaa garoonka diyaaradaha.

 

 

Bixitaanka Madaxweynaha ayaa ku soo aaday, iyadoo Madaxda dowladda Dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada shir uga socdo Muqdisho, kaasoo looga hadlayo doorashooyinka.

 

 

 

Shirka Madasha Wada-tashiga qaran oo furmay Arbacadii la soo dhaafay ayaa wax natiijo ah laga soo saarin, iyadoo ay jirto hadal heyn ku saabsan dib doorashada dib loo dhigayo.

 

 

 

Somalilandpost.