Madaxweynaha Somalia Oo Sheegay Inay Xidhiidhka U Jareen Iraan

Hargeysa  (SL.Post) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,  ayaa sheegay in dalkiisu xidhiidhka u jaray dawlada Iiraan maadaama ay dawladaasi halis ku tahay dalalka Carabta.

 

 

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaa sheegay dhawaan mar uu wareysi siiyay mid ka mid ah wargeysyada waaweyn ee Khaliijka oo lagu magacaabo Asharq Al-Awsat.

 

 

 

Inkastoo Soomaaliya la wadaagto xidhiidh aad u wanaagsan dalalka Carabta oo dhan, Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in kan dalkiisa iyo Sacuudiga ka dhexeeya uu yahay kan ugu wacan. Dhawaan mar ay kulmeen Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa waxay labada masuul ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo amuuraha gobolka.

 

 

 

Soomaaliya ayaa sidoo kale taageertay dagaalka xulufada Sucuudigu ka wado Yemen ee ka dhanka ah Xuutiyiinta.

 

 

Iiraan ayaa dawladiisu taageertaa fallaagada Xuutiyiinta ee dalkaasi Yemen maadaama Xuutiyiintu shiico yihiin.

 

 

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale kasoo horjeestay wax uu ugu yeedhay in fawdo iyo kala qaybsamid Iiran ka abuurto dalalka Carabta isla markaana aanu  doonayn in dalkiisa tafaraaruq laga dhex abuuro.

 

 

Iran ayaa ah dal Shiicadu aad ugu badan tahay isla markaana lagu eedeeyo in badan in dawladiisu taageerto dhaqdhaqaaqyada dadka shiicada ah ee laga tiro badan yahay ee Khaliijka iyo caalamka Islaamka.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa