Madaxweynaha Shiinaha Oo Booqanaya US

US(SLpost)-Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, waxa uu gaadhay magaalada Seattle taas oo bilow u ah booqashadiisii ugu horeysay ee Mareykanka uu ku tago tani iyo markii xilka loo doortay.

Mr Xi waxa uu seddax maalin joogi doonaa magaalada Washington, halkaas oo uu kula kulmi doono ganacsato iyo dadka tiknolojiyadda ka shaqeeya.

150923021116_xi_jinping_peng_liyuan_512x288__nocredit

Isla halkaasi, Washington ayuu kula kulmi doonaan madaxweyne Obama oo arrimo badan ay kawada hadli doonaan. Aminiga internetka waxaa la filayaa inay noqoto arrintasi sida ugu weyn ay uga wadahadlaan, kaddib markii Mareykanka uu sheegay in sirdoonka Shiinaha ay dhibaateynayaan xiriirla laba geesoodka ah ee ka dhexeeya.

Warar lagu qoray wargeyska Wall Street ka hor booqashadiisa, Madaxweyne Xi waxa uu sheegay taariiqda iyo xaqiiqada jirto in Mareykanka iyo Shiinaha ay  muujisay inay si wada jir ah u shaqeeyaan ayna meesha ka saaraan dagaalka.