Madaxweynaha Puntland oo sheegay in Maamulkiisu ka taliyo 99% Sanaag-Bari iyo Buuhoodle

 

Garoowe (SLpost)- Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni, ayaa sheegay in markii uu xilka qabtay uu Maamulkiisu inta badan la wareegay deegaannada Bariga Gobolka Sanaag iyo Buuhoodle.

Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeedidiyey Baarlamaanka Maamulkaas oo uu maanta hor-tagay, ayaa sheegay in Maamulkiisu wax badan qabtay muddadii koobnayd ee uu xilka hayey, waxbqabadyadaana ay ka mid tahay in Maamulkiisu si wanaagsan uga dhaqan-galay Buuhoodle.

Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo ka jawaabayey su’aalo xildhibaannadu weydiiyeen, waxa hadalladiisa ka mid ahaa, “Muddadii aan xilka haynay, dhulka Sanaag waxa Gacanta Puntland soo gashay boqolkiiba 99 ka mid ah, marka laga reebo Yubbe iyo inyar oo la mid ah. Waxa Maanta Wasaaradihii Puntland oo dhami joogaan Magaalada Buuhoodle oo markii aanu Xilka Nimid uu khalkhal amni ka jiray iyo Gacan ku haynta Dawladda oo maqnayd,” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Deni.

Deegaannada Bariga gobollada Sanaag iyo Buuhoodle ayaa ka mid ah Somaliland, balse waxa lahaanshiyahooda sheegta maamul-goboleedka Puntland oo ka mid ah Soomaaliya.

 

Somalilandpost.net