Madaxweynaha Puntland oo Marti-qaad u fidiyey Madaxda Dhaqanka Beelaha Warsangeli, Xilliga ay Tegayaan iyo Jawaabta Xukuumadda Somaliland

Badhan (SLpost)- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo weli faro-gelinta qaawan iyo xasaradaynta Somaliland ku mashquulsan, ayaa Madax-dhaqameedka reer Somaliland, gaar ahaan Madaxda Dhaqanka ee Beelaha dega Bariga gobolka Sanaag Marti-qaad rasmi ah u fidiyey, isla markaana ugu yeedhay inay Garoowe yimaaddaan.

Inkasta oo aanu jirin war rasmi ah oo uu Madaxweynaha Maamul-goboleedka Garoowe Cabdiwali Maxamed Cali Gaas soo saaray oo Warbaahinta la mariyey, haddana Waxa uu Marti-qaadkiisa si rasmi ah loo soo gaadhsiiyey qaar ka tirsan Madaxda Dhaqanka ee Beelaha Bariga Sanaag, gaar ahaan Beesha Warsangeli, isla markaana Madax-dhaqameed isugu jira Salaaddiin iyo Cuqaal tiro badan oo uu hoggaaminayo Suldaanka guud ee Beelaha Warsangeli, ayaa isku urursanaya magaalada Badhan ee xarunta gobolka Badhan (Bariga Sanaag), halkaas oo sida ay ila-wareedyo ka ag-dhawi Wargeyska Himilo u sheegeen ay Sabtida soo socota ka ambabixi doonaan.

wewwUjeeddada Rasmiga ah ee Marti-qaadka Madaxweyne Gaas, ayaa lagu sheegay inay tahay oo uu Odayaasha ugu yeedhay inay isu yimaaddaan oo ay Garoowe ugu tagaan, isla markaana wadahadal iyo shir halkaas ku yeeshaan, sidoo kalena uu beddelayo qaab-dhismeedka Maamulkiisa, samaynayana isku-shaandhayn uu ku magacaabi doono saami ka badan saamiga ay hore Beesha Warsangeli ugu lahayd Maamul-goboleedka Puntland, iyagana looga baahan yahay inay si toosa u hoos-tagaan Maamulkiisa una taageeraan, kana soo horjeestaan dawladda Somaliland ee dad ahaan iyo dal ahaanba ay ka tirsan yihiin.

Suldaanka guud ee Beelaha Warsangeli Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo ku sugan Badhan, ayaannu iskudaynay inaannu wax ka weydiinno warkan sheegaya inuu Puntland u hoggaaminayo Madaxda Dhaqanka ee Beesha, ayaanay noo suuragelin inaannu helno, Taleefankiisa Gacanta oo demsanaa awgeed. Sidoo kale, Badhasaabka gobolka Badhan iyo Boqor Cabdikariin Cabdikariin Cali Garaad oo labadoodaba aannu isku daynay inaannu warkan wax ka weydiinno, ayaa iyagana Taleefannadooda Gacantu xidhnaayeen xalay oo aannu dhawr jeer ka wacnay.

Hase-yeeshee, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) oo isagoo ku sugan magaalada Hargeysa Wargeyska Himilo khadka Taleefanka wax kaga weydiiyey waxa ka jira ee uu kala socdo warkan, ayaa Himilo u sheegay inuu warkaasi jiro oo uu ka helayo warar hor-dhac ah, hase-yeeshee, aanu rasmi u ogeyn casuumadda Madaxweyne Puntland soo diray, balse ay jiraan Madax-dhaqameed dhankaas u sii jeeddaa.

“Warkaasi wuu isoo gaadhay, waxaanan maqlay Suldaan Siciid iyo Kooxdii uu watay ee Xiin-galool ku shiraysay dhawaan iyo dee ciddii ku sii lug-darta, ayaa dhanka Puntland u socda. Laakiin, war intaas ka faahfaahsan weli kama hayo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Khayraadka Badda Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) oo ka jawaabayey su’aal warkaas Wargeyska Himilo khadka taleefanka xalay kaga weydiiyey.

Wasiirka Kalluumaysigu waxa uu sheegay in Kooxdii dhawaan Shirka ay ugu yeedheen Shirka Beelaha Warsangeli ku qabsatay deegaanka Xiin-galool ee Bariga Sanaag tan iyo tu la mid ahba laga filan karo, waxaanu yidhi; “Balse, Kooxdii Xiin-galool ku shiraysay ee aan mar keliya afku kaga dhicin Somaliland ee aad arkayseen go’aannadii ay ka soo saareen shirkooda ee muujinayey inay taageersan yihiin 18-kii gobol ee dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray ka koobnaa iyo inay Puntland ugu baaqayeen in dadka Buuraha Galgala ee AL-Shabaab ku jirto dib-u-dejin ay u samayso, inay meelo kala tagaan iyo waxaan wanaagsanayn-ba waa laga filan karaa.”

Mar Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland ka jawaabayey su’aal aannu ka weydiinnay haddiiba sida la sheegayo ay Sabtida Madax-dhaqameedkaas Suldaanka guud oo isagu horeba ugu ololayn jiray Maamulkaasi ka xeeyo oo uu Garoowe geeyo, isla markaana ujeeddada uu ku soo marti-qaaday isku fahmaan saamaynta kaga iman karta Somaliland iyo waxa Xukuumad ahaan uga qorshaysan arrintaas, waxa uu yidhi; “Horta, ta saamaynta awalba Suldaan Siciid iyo Xubno ay isku fikir ama isku aragti yihiin Somaliland uma joogin ee Puntland iyo Soomaali-wayn bay u ololayn jireen, Saamayna kuma lahayn Somaliland iyo Beelaha Warsangeli toona ee dantooda ayuun bay wateen, immikana Suldaan Siciid iyo xubnaha raacaa saamayn gaar ah oo toodii hore ka duwan naguma yeelan karaan.”

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland oo Weriyaha Himilo ee waraysanayey mar labaad ku celiyey su’aasha ah waxa Somaliland ahaan uga qorshaysan haddiiba is-fahan ka hadda jira ka weyni dhex-maro Madaxda Dhaqanka Bariga Sanaag iyo Maamulka Garoowe, waxa uu ku jawaaabay; “Inkasta oo aanan qabin inay wax saamayn ahi ka soo kordhi karto isfaham kasta oo dhexmara Puntland iyo Xubnaha Suldaan Siciid, haddana dawlad ahaan markay taasi timaaddo ee ay caddaato in Sabtidaa aad sheegayso ay Puntland u baxaan ayaa laga tashan doonaa, waxaanay noqonaysaa mid sii xoojinaysa dedaalka iyo Qorshaha dawladda Somaliland ku sugayso dalkeeda iyo dadkeeda.”