Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka qayb-galay Aas maanta Xabaalaha Naasahablood ee duleedka Koofur/Bari ee magaalada Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Faadumo Axmed Ciise oo Hargeysa ku geeriyootay.
..
Madaxweynaha Somaliland oo tacsi ku aaddan Marxuumadda maanta soo saaray, ayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii ay ka baxday Marxuuma Faadumo Axmed Ciise ka baxday ka tacsiiyey geeriyida ku timi isaga oo madaxweynuhu ka qaybgalay aaskaasi.
Madaxweynuhu ALLE uga baryayaa Marxuumadda naxariistii Janno inuu ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii ay ka baxdayna Samir iyo Imaan ka siiyo.