Madaxweynaha oo Shicibka ka Tacsiyadeeyay Geerida Marxuum-Cabdisamad Axmed Ismaaciil

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyskii, qaraabadii Ubadkii iyo shacbiga  Somaliland  ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Oday MARXUUM-CABDISAMAD AXMED ISMAACIIL oo 11/10/2015 ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo uu Marxuumku abti u ahaa.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu Marxuumka ku sifeeyay inuu ahaa Muwaadin kaalin weyn ka soo qaatay nabadeyntii dalka, dhismaha dawladnimadda Somaliland, isla markaana si gaar ah uga shaqeyn jiray  arrimaha samo-falka ee bulshadda. Waxaanu ahaa  marxuumku qofkii u horeeyay ee ceel riig biyood ah ka qoday Somaliland muddo 50 sanno laga joogo waa xilligii Ingiriiskee.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii Ubadkii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN