Madaxweynaha oo Shacabka Somaliland iyo qoyska Ilma Jaamac Samatar ka tacsiyeeyay Geerida Marxuum Cabdilaahi Jaamac Samatar oo ku geeriyooday dalka Maraykanka

u_106884d_2013-8-3-11-43-42f_tacsi-siilaanyo-316x300Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ehelkii, qaraabadii iyo Qoyska Ilma Jaamac Samatar ka tacsiyadeeyey geerida ku timi Marxuum Cabdilaahi Jaamac Samatar oo maanta ku geeriyooday dalka Maraykanka, waxaanu madaxweynuhu tacsi si gaar ah ugu diray Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka mid ah madax-dhaqameedka gobollada Gabiley iyo Awdal.

Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo madaxweynuhu u diray Ehelkii iyo qaraabadii iyo dhammaan shacabka Somaliland ee uu kabaxay Marxuum.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar iyo Dhamaan qoyska reer Samatar, isaga oo ka tacsiyadaynaaya Geerida ku timid Marxuum Cabdilaahi Jaamac Samatar oo ku geeriyooday Dalka Maraykanka 08/11/2014.

Tacsi taasi la midana waxa uu madaxweynuhu u dirayaa Qoysaskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuumku.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo,” sidaas ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada oo xambaarsanaaa dhambaalka tacsida ah ee madaxweynuhu u diray Qoyskii, ehelladii iyo qaraabadii uu marxuumku ka baxay.

SOMALILANDPOST.NET