Madaxweynaha oo Ka Qayb-galay Xaflad loo qaybta Boqolaal Ardayda oo ka qalin-jabiyey Jaamacadda Hargeysa iyo Xisbiyada Mucaaradka oo ka qayb-galay (SAWIRRO)

“Waxa hubaal ah in dhalinyaradu u baahan yihiin shaqooyin iyo nolol fiican, balse waxa lagu gaadhi karaa dedaalka iyo barashada cilmiga oo aan laga hadhin, sabir iyo is-kaashi waxaanan ku kalsoonahay in dadka reer Somaliland leeyahay hal-abuur iyo himilo fiican oo ay ku gaadhaan horumar.”DSC_0063

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta ka qaybgalay Munaasibad Qalinjebin ah oo loo qaybta Ardayda Sanadkan ka baxday Jaamacada Hargeysa University.

DSC_0063Munaasibadda uu madaxweynuhu saaka kala qayb-galay jaamacada Hargeysa, ayaa noqonaysa Jaamacadii Shanaad ee uu sanadkan la qaybsado farxada Qalinjebinta Ardayda iyo Waalidiintaba.

Waxa madaxweynaha ku wehelinayey munaasibadda oo kala qayb-galay xubno ka mid ah golihiisa Wasiirrada oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Arrimaha Dibadda, Madaxtooyada. Waxa kale oo munaasibadda goob-joog ka ahaa xubno ka mid ah madax-dhaqameedka, Aqoonyahan, Xildhibaanno, waalidiin iyo qaybo badan oo ka mid ah haldoorka dalka.

DSC_0359Jawiga Saaka ayaa ahaa mid ka duwan sidii hore ee madaxweynuhu uga qaybgeli jiray xafladaha noocan oo kale ah ka dib markii ay gaadhiga Khaaska ah ee Madaxweynaha soo wada raaceen Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye oo iyaguna maanta goobjoog ka wada ahaa xafladan, hadalana ka soo jeediyey ka dib wada hadalo beryahanba u socday Xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaradka oo la xidhiidha Diwaangelinta iyo Xaalada Dalkaba sidii meel looga soo wada jeedi lahaa.

Madaxweynaha oo halkaas khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey, ayaa qiray in dhalinyarada waxbaratay u baahan tahay shaqo-abuur balse waxay uu masuuliyadda hawshaas oo dawlad ahaan u dareensan yahay inay isaga saaran tahay uu isaga riixay cilmiga iyo aqoonta oo aan barashadooda laga hadhin in lagaga baxayo shaqo la’aanta haysata dhalinyarada Jaamacadaha ka baxday.

DSC_0326Madaxweynuhu waxa uu ugu horeyn bogaadiyey dhalinyarada waxbarashada dhammaysatay, waxaanu yidhi, “Ugu Horreyn waxaan halkan bogaadin uga soojeedinayaa Ardayda qalin-jebisay, macalimiinta iyo maamulka ku soo tabcay, waxaanan idinku hambalyeynayaa guusha aad gaadheen.

Waxbarashadu waa furaha nolosha, waa halbawlaha horumarka, waana hagaha mustaqbalka. Waxaanay umaduhu u kala horeeyaan, sida ay u kala aqoon iyo farsamo badan yihiin.

DSC_0404Sanadkan waxaan qalin-jebintooda ka qaybgalay in ka badan 4,000 oo arday welina way socdaan, taasi waxay daliil u tahay kobaca aqooneed iyo kaalinta ay dhalinyaradu ku leeyihiin Bulshada oo aad u saraysa, waxaa lagu qiyaasaa da’yarta Somaliland inay ka badan yihiin %60, taas oo muujinaysa in dalkani uu leeyahay mustaqbal fiican.”

Mudane Axmed Siilaanyo oo ka hadlayey shaqo la’aanta iyo dhalinyarada, waxa uu yidhi, “Waxa hubaal ah in dhalinyaradu u baahan yihiin shaqooyin iyo nolol fiican, balse waxa lagu gaadhi karaa dedaalka iyo barashada cilmiga oo aan laga hadhin, sabir iyo is-kaashi waxaanan ku kalsoonahay in dadka reer Somaliland leeyahay hal-abuur iyo himilo fiican oo ay ku gaadhaan horumar.

DSC_0394

Dhalinyarooy dedaala oo Dalka illaashada una sabra waxaad gaadhi doontaan maalin aad aragtaan dunida oo inoo soo shaqo-doonatay inshaallaahu.”

Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay Guddoomiyeyaasha Xisbiga UCID iyo Kulmiye Eng Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay muhiimadda ay dalka u leeyihiin dhalinyarada waxbarashada dhammaysatay iyo kaalinta ay ka qaadan karaan horumarka dalka.

DAAWO SAWIRRADA

DSC_0398 DSC_0394 DSC_0389 DSC_0385 DSC_0377 DSC_0365 DSC_0359 DSC_0350 DSC_0349 DSC_0348 DSC_0343 DSC_0333 DSC_0326 DSC_0322 DSC_0316 DSC_0314 DSC_0312 DSC_0308 DSC_0304 DSC_0301 DSC_0294 DSC_0292 DSC_0287 DSC_0279 DSC_0271 DSC_0268 DSC_0264 DSC_0244 DSC_0230 DSC_0226 DSC_0216 DSC_0212 DSC_0206 DSC_0196 DSC_0192 DSC_0190 DSC_0169 DSC_0165 DSC_0162 DSC_0159 DSC_0148 DSC_0134 DSC_0132 DSC_0123 DSC_0102 DSC_0098 DSC_0090 DSC_0080 DSC_0071 DSC_0063 DSC_0050 DSC_0036 DSC_0030 DSC_0023 DSC_0008 DSC_0006 DSC_0005 DSC_0445 DSC_0440 DSC_0432 DSC_0421 DSC_0404