Madaxweynaha oo Furay Bangigii Ganacsi ee u horreeyey ee Somaliland ka hirgala ee Dahabshiil Commercial Bank

Noocyada adeegyada uu fuliyo bangigan oo ku shaqaynaya nidaamka Islaamka iyo xaddiga dhaqaale ee uu maalgelin ku bixiyey muddo sannad ah + nuxurka hadalladii laga yidhi xafladdiisii furitaanka.

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xadhigga ka jaray Bangiga caalamiga ah ee Dahabshiil Bank oo noqday kii ugu horreeyey noociisa ee si rasmi ah looga furo

fooqa dahabshiil BankBangigan caalamiga oo ah mid ganacsi oo qabanaya dhammaan adeegyada bangiyada noociisu qabtaan, kuna shaqaynaya nidaamka Islaamka, kaas oo xaruntiisa kowaad tahay dhisme si casri ah oo ka kooban toddoba dabaq oo ay ku baxday lacag ka badan $12 milyan oo dollarka Maraykanka oo laga hirgeliyey caasimadda Hargeysa, iyadoo dhismahaasi bangiga ay ku wehelinayaan suuq ganacsi ka kooban meherado fara badan iyo hudheel jiif ah, ayaa si rasmi ah xadhigga lagaga jaray xaflad ballaadhan oo lagu qabtay isla dhismahaasi maanta, kana qaybgaleen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo, Guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha xisbiga UCID, wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno, madaxdhaqameed, culimaa’udiin, ganacsato, qaar ka mid ah macaamiisha Dahabshiil Group, ganacsato ka faa’iidaystay maalgelinta bangiga Dahabshiil iyo marti sharaf kale oo badan.

Maamulaha guud ee shirkadaha Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid oo furitaankii xafladdaasi hadal ka jeediyey, ayaa faahfaahin ka bixiyey bangigan iyo heerarkii uu soo maray oo uu xusay in dhismihiisa oo qaatay muddo toddoba sanno ah uu ku baxay tacab iyo dhaqaale ka badan $12 milyan oo dollar, “Aad baanu ugu faraxsanahay in aannu maalgelinta intaa le’eg dalka galinay oo aan rajaynayo inay noqoto mid u horseeda daaro noocan oo kale ah iyo maalgelin wayn in dalka laga hirgeliyo, markii la bilaabay dad badan baa lahaa maxaad guriga intan le’eg uga dhisiwaydeen Yurub iyo meelo ka mid ah Afrika, laakiin Xaaji Maxamed Siciid (aabbihii) wuxuu yidhi halkan ayaan u dhashay, kuna dhimayaa ee lacagtana halkan ayaan gelinayaa. Runtii taasi waxay dhiirigelin u tahay dadka waddanka u dhashay ee ganacsiga ka bilaaba,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid.

Mr. Cabdirashiid waxa uu tilmaamay in Bangiga Dahabshiil fursado ganacsi ku soo kordhinayo ganacsiga iyo horumarka dalka, iyadoo uu si sahlan oo ku salaysan kalsooni isugu xidhayo ganacsatada gudaha iyo dhiggooda caalamka, isla markaana xaruntani la mid tahay xarumaha laga furay magaalooyinka Jabbuuti, Muqdisho iyo Boosaaso, taas oo horseed u ah kuwo kale oo mustaqbalka ay ka hirgelin doonaan magaalooyinka kale ee dalka iyo dhulalka kale ee Soomaalidu degto.

Maareeyaha guud ee Bangiga Dahabshiil xaruntiisa Hargeysa Mr. Siciid Maxamed Cali (Gar-seef), ayaa isna ka warramay adeegyada uu bangigu bixiyo oo ay ka mid yihiin; furista xisaabaadka kala duwan, isku gudbinta lacagaha ee bangiyada dhexdooda, adeegyada macaamiisha ee tooska (Online), adeegga LC-ga iyo waraaqaha dammaanada, adeegyada ATM iyo Debit Cards, iyadoo Bangiga Dahabshiil liisanno la hubo iyo wadashaqayn uu ka helay shirkadaha caalamiga ah ee Mastercard, Visa iyo AMEX. Sidoo kalena, Bangigu bixinayo adeegga maalgelinaha kala duwan sida ganacsiga, warshadaha, xoolaha, beeraha, waxbarashada iyo caafimaadka, dhulka iyo dhismayaasha, gaadiidka iyo kobcinta ganacsiyada yaryar, isagoo xusay in adeegyadaasi maalgelineed uu ilaa hadda bangigu ku bixiyey lacag ku dhaw $70 milyan dollar, kana faa’iidaysteen in boqolaal dad ahi, waxaannu yidhi, “Muddada gaaban ee aan sannadkan dhammayn ee bangigu sida rasmiga ah u furnaa wuxuu ku guulaystay inuu maalgelin ku sameeyo lacag $68,800,000 (siddeed iyo lixdan milyan iyo siddeed boqol kun oo dollar), iyadoo guud ahaan macaamiisha la maalgeliyey dhan yihiin 769 macmiil (toddoba boqol iyo sagaal iyo lixdan macmiil).

Waxa kale oo bangigu si gaar ah u unkay mashruuca kobcinta ganacisga ee Dahab (Micro-Dahab Project) oo ah qayb loogu talo-galay ganacsatada yaryar, ilaa hadda intii uu shaqada bilaabay waxa laga maalgaliyey ganacsato muwaadiniin danyar ah oo kor u dhaafay 150 ganacsade oo la siiyey lacago amaah kookooban oo kor u soo qaadaysa ganacsigooda.

Dhinaca kale, xubno ka mid ah ganacsato iyo ashkhaas muwaadiniin ah oo Bangiga Dahabshiil ka helay maalgelin tobanaan malyuun oo sifo sharciga waafaqsan loo siiyey, ayaa madasha kaga sheekeeyey maalgelinta ay heleen iyo faa’iidada laga helay.

Maamulaha dugsiyada Nuuradiin Mahad Maxamed Ibraahim oo halkaasi ka shaaciyey in Bangiga Dahabshiil u maalgeliyey guud ahaan dugsiga sare ee Nuuradiin ee hablaha u gaarka ah oo ka kooban 35 fasal, xafiisyo, laabab, laybareeri iyo barxad wayn oo ay ku baxday lacag $700,000 (toddoba boqol oo kun doollar), kaas oo ay waqtigan wax-ka-bartaan 2050 hablood (laba kun iyo kontan) oo reer Somaliland ah.

Sidoo kale, hooyo Maryan Yuusuf Cumar oo ka socotay iskaashato beeralay ay ku midoobeen 633 beerood, ayaa iyaduna sheegtay in Bangiga Dahabshiil gacanwayn siiyey oo uu u iibiyey mashiinnada iyo tuunbooyinka biyaha beeraha, kuna caawiyey qaar ka mid ah dumarka wadhatada khudradda ku iibiya suuqyada lacago ay ku xoojiyaan ganacsigooda, isla markaana uu u ballanqaaday inuu ka caawin doono iibka siidhka qaar ka mid ah midhaha khudradaha ee aanay haysan beeralaydu.

Mulkiilayaasha huteellada Maansoor iyo Ambassador – Cabdiqaadir Xaashi Cilmi iyo Khadar Aadan Xuseen iyo Dr. Edna Aden oo ah aasaasaha cusbitaalka Edna ee Hargeysa, ayaa iyaguna iftiimiyey kaalinta shirkadda Dahabshiil ka soo qaatay abuurista iyo horumarka huteellada iyo cusbitaalka ay aasaaseen iyo weliba taageerada hagar la’aanta ah ee uu hore ilaa iminka la garabtaaganyahay.

Waxa kale oo madashaasi ka hadlay Xidlhibaan Cabdikariin Xuseen (Cabdi-waraabe), Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md. Cabdi Dirir, Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir, kuwaas oo ku hambalyeeyey mulkiilaha Dahabshiil hirgelinta bangigan casriga, iyagoo ku ammaanay doorka ka qaato taageerada kala duwan ee uu shacabkiisa u fidiyo tan xilligii uu ganacsigiisa bilaabay oo ay ka soo wareegtay muddo ka badan afartan sanno, bangigani uu marag u yahay aaminaadda iyo maalgashiga dalka, waxaanay ugu duceeyeen in Alle u barakeeyo ganacsiga.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo soo gunnaanaday xafladda furitaanka Dahabshiil Bank, ayaa ammaan ballaadhan u jeediyey shirkadda Dahabshiil sidii ay uga soo qaybqaadatay taakulaynta dadka, dib-u-dhiska iyo horumarka dalkaba, “Dahabshiil door hormuud ah ayey hay’adihiisu ka soo qateen horumarinta dalka waqti dalku ku jiray marxalad adag oo wax badan uu baahnaa ayuu door xoog leh oo lama ilaawaan ah ka soo qaatay. Maantana dhismihii horumarinta dalka ayuu hore ugu tallaabsaday, taasna aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynaynaa, waanu soo dhaweynaynaa isaga iyo ciddii kale ee wax ka qabanaysaba dalka iyo dadkuba way u baahan yihiin. Bangigan Islaamiga ahina waa mid waxtarwayn ka gaysanaya horumarka dalka iyo baahiyaha la qabo,” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.