Madaxweynaha oo dhammaystiray Xubnaha Guddiga Doorashooyinka oo uu Golaha Wakiillada hore ugu gudbiyey iyagoo kala dhiman

u_106884d_2013-8-3-11-43-42f_tacsi-siilaanyo-316x300Waa Kuma Xubinta Cusub ee Xisbiga WADDANI  u magacaabay inuu uga Mid noqda Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Madaxweynuhu caawa Gudbiyey

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa dhammaystiray xubnaha Guddiga Doorashooyinka qaranka oo lix ka mid ah uu hore ugu gudbiyey Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan, ka dib markii xisbiga Waddani xubintiisa maanta u gudbiyey madaxweynaha..

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa tiraba laba jeer dib ugu celiyey xisbiga Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal oo xisbigu u xushay xubintooda Komishanka doorashooyinka, isaga oo madaxweynuhu go’aankiisa ku sababeeyey inaanay xubintaasi buuxin shuruudihii looga baahda xubnaha ka mid noqonaya guddiga Doorashada.

Maxamed Cismaan Fadal, ayaa laba todobaad ka hor iska casilay xubnimada xisbiga Waddani oo ka mid ahaa iyo xilka Xoghayaha Arrimaha Dibadda oo uu xisbiga ka hayey, ka hor intii aanu xisbigu u xulan xubintooda guddiga doorashooyinka, iyada sababtaasi tahay tau u madaxweynuhu u tix-raacay go’aanka uu labada jeer dib ugu celiyey. Arrintaas oo xisbiga Waddani ku kalliftay inay magacaabaan xubin cusub oo uga mid noqota guddiga doorashooyinka oo lagu magacaabo , Cabdiraxmaan Cismaan Aadan (Sagal), kaas oo ay maanta u gudbiyeen madaxweynaha.

War-saxaafadeed caawa ka soo baxay Madaxtooyada Somalilnad, ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu Golaha Wakiillada u gudbiyey xubinta ka dhinnayd todobada xubnood ee guddiga doorashooyinka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/SHGW/081-2818/102014          ,

Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Jamhuuriyada Somaliland ugu gudbiyey Xubintii todobaad ee Xisbiga Waddani soo bedelay.

Ku:      Shir-guddoonka Golaha Wakiillada JSL                                                         

Ujeedo: Soo Gudbin Xubintii Ka Dhinnayd Guddida Cusub ee Doorashooyinka Qaranka

Mudanayaal,

Waxaan si sharaf iyo qadarin mudan halkan magaciisa iyo CV-giisa idiinku soo gudbinayaa Mudane, Cabdiraxmaan Cismaan Aadan (Sagal) oo ah Xubinta Xisbiga WADDANI u soo xulay Guddida Doorashooyinka Qaranka si aad uga gudataan waajibaadkiinna Dastuuriga ah,” sidaas ayuu madaxweynuhu ku sheegay digreetadiisa.

Waa Kuma Xubinta Cusub ee Xisbiga WADDANI  u magacaabay inuu uga Mid noqda Guddiga Doorashooyinka Qaranka (GUJI HALKAN)

SOMALILANDPOSTNET