Madaxweynaha Maraykanka oo Si Cad u sheegay inay Awood Milatari ku Difaacayaan Taiwan

Tokyo (SLpost)- Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu awood Milatari ku difaacayo Dalka Taiwan haddii Duullaan Milatari kaga yimaaddo Dalweynaha Shiinaha.

Hadalka Biden ka soo yeedhay oo gebi ahaanba baal-marsan siyaasadda Maraykanka ee ku wejahan xidhiidhka Shiinaha, waxa markiiba xaraaraddiisa dejiyey afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee Maraykanka oo sheegay inaanay waxba iska beddelin siyaasadda Washington.

Waa Markii saddexaad muddo dhowr bilood ah ee madaxweynaha Maraykanku si cad u sheego in Maraykanku tallaabo milatari qaadayo haddii Shiinuhu Awood ku muquuniyo Taiwan, waxaana saddexda jeerba ka daba-hadley Aqalka Cad oo sheegay inaanay waxba iska beddelin Siyaasadda Maraykanka ee ku wejahan midnimada Shiinaha oo aamisan in Taiwan qayb ka tahay dhulweynaha Shiinaha.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo Ra’iisal-wasaaraha Japan oo si wada-jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay magaalada Tokyo, ayaa su’aal laga weydiiyey haddii Maraykanku tallaabo Milatari qaadayo haddii Shiinuhu weerar ku qaado Taiwan.

Mid ka mid ah suxufiyiinta ayaa madaxweynaha Maraykanka weydiiyey su’aal u dhignayd:- “Dagaalka ka soo socda Ukraine waxaad go’aansateen inaydaan farogelin milatari ku yeelan sababo badan oo muuqda awgeed. Ma idiin qorsheysan tahay inaad tallaabo Milatari qaataan oo difaacdaan Taiwan haddii ay tanoo kale dhacdo?”

Waxaanu Mr Biden ku jawaabay, “Haa, Taasi waa ballan-qaadkii aanu galnay. Waanu aaminsanahay Siyaasadda midnimada Dalweynaha Shiinaha oo aanu saxeexnay, laakiin waxaanu yeelayno maaha fekerka odhanaya xoog hala isku muquuniyo,” Sidaas ayuu yidhi madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo tan iyo markii la doortay booqashadii u horeysay ku tagay qaaradda Eeshiya.

Dalweynaha Shiinaha ayaa inta badan sheegta in jasiiradda Taiwan qayb ka tahay dalweynaha Shiinaha, in kasta oo Taiwan leedahay dowlad iyo calan madax-bannaan isla markaana aqoonsi ka haysta waddamo tiro badan oo Somaliland ka mid tahay.

Maraykanka ayaa taageero milatari oo dhinacyo kala duwan u fidiya Taiwan oo dadka ku nool lagu qiyaaso 23 Milyan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net