Madaxweynaha Maraykanka oo sheegay inay Difaacayaan Taiwan haddii Shiinuhu Duulaan Milatari ku qaado

Shiinaha iyo Taiwan oo Ka jawaabay Hadalka Madaxweynaha Maraykanka

Washington (SLpost)- Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegaysida ay dalkiisa uga go’an tahay inuu difaaco Taiwan haddii Shiinuhu isku dayo inuu awood Milatari ku muquuniyo dalkaas.

Taiwan oo dalka Shiinuhu u aqoonsan yahay Qayb ka mid ah, ayaa xidhiidh ku salaysan heshiis laba geesood ah la leh waddanka Maraykanka.

Madaxweyne Biden oo su’aalo lagu weydiiyey xarunta warbaahinta CNN ee magaalada Washington Khamiistii, waxa uu sheegay inaanay waxba iska beddelin siyaasadda Maraykanka ee Taiwan oo ay u aqoonsan yihiin waddan Madax-bannaan.

“Haa, way naga go’an tahay inaanu sidaas samayno,” waxa sidaas ku jawaabay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo la weydiiyey haddii ay difaacayaan Taiwan oo cago-juglayn iyo hanjabaado uga yimaaddaan dalka Shiinaha oo aaminsan in waddankaasi yahay Qayb ka mid ah dhul-weynaha Shiinaha.

Sida aanu ka soo xigannay wakaaladda Wararka ee Reuters, Madaxweyne Biden waxa uu farriin hanjabaad ah u diray quwadaha adduunka ee Shiinuhu ka mid yahay, isagoo shacabka Maraykanka iyo saaxiibbadoodana u sheegay inaanay ka werwerin awoodda Milatari ee Maraykanka.

“Dadku yaanay ka werwerin awooddayada Milatari maxaa yeelay Shiinaha, Ruushka iyo dunida inteeda kaleba way og yihiin inaanu nahay milatariga ugu awoodda badan ee taariikhda caalamka soo mara,” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biden, waxaanu intaas ku daray, “Ma doonayo dagaal qabow oo aan la galo Shiinaha. Waxaan kaliya rabaa in Shiinuhu fahmo inaanaan ka tanaasulayn mowqifkayaga”.

Dalka Maraykanka ayaa khilaafka Shiinaha ku wejahayey siyaasad ka shidaal-qaadanaysa  Heshiis u dhexeeya labada dowladood ee Washington iyo Taipei, taas oo dhigaysa in Maraykanku ku taageero Taiwan inay is-difaacdo haddii weerar kaga yimaaddo Shiinaha.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in hadalka madaxweyne Biden aanu ka dhignayn isbeddel ku yimi siyaasadda Maraykanka, waxase uu ka gaabsaday in hadalka madaxweynuhu si qaldan uga soo baxay iyo in kale.

“Taageerada difaaca Mareykanka ee Taiwan waxaa hagaya ‘Xeerka Xidhiidhka Taiwan’. Waxaanu ilaalin doonnaa ballanqaadkayaga sida uu dhigayo Sharcigu, waxaan sii wadi doonnaa taageerada  is-difaacidda Taiwan, waxaananu ka soo horjeednaa wax kasta oo isbeddel ku keeni kara heshiiskaas,” sidaas ayuu yidhi Afhayeenka Aqalka Cad.

Dhinaca kale,warbaahinta Somalilandpost oo soo xiganaysa wakaaladda wararka ee Reuters, afhayeen u hadlay madaxtooyada Taiwan kaddib hadalka madaxweyne Biden, ayaa sheegay inaanay waxba iska beddelin mowqifkooda ah inaanay Maraykanka ku qasbi doonin faro-gelin milatari haddii weerar kaga yimaaddo Shiinaha.

“Taiwan way ka go’an tahay inay Iskeed isu difaacdo,” sidaas waxa yidhi Afhayeen madaxtooyada Taiwan, waxaanu soo dhaweeyey sida xooggan ee maamulka Biden uga fal-celiyey arrintan.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Jimcihii shalay, ayaa Maraykanka ku boorriyey inuu taxaddar leh uga fiirsado arrinta Taiwan.

“Shiinaha marnaba meel uma bannaana inuu ka tanaasulo arrimaha ku lug leh danaha asaasiga ah”, ayuu yidhi afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Wang Wenbin, isagoo ka digay in Washington ay tahay inay si taxaddar leh uga hadasho arrinta Taiwan.

Waddanka Shiinaha ayaa aaminsan in arrinta Taiwan tahay xiisadda ugu weyn ee khilaafka ka dhex-abuuri karta labada waddan ee ugu Dhaqaalaha badan dunida.

Xiisadda u dhaxaysa Shiinaha iyo Taiwan ayaa xilligan maraysa halkii ugu sareeyey muddo 40 sanno, waxaana toddobaaddadii u dambeeyey jiray dhaq-dhaqaaqyo milatari iyo dhoolatus Shiinuhu ku sameeyey meelo u dhow xuduudka badda iyo Hawada ee Taiwan.

Waddanka Taiwan ayaa Xidhiidh dibloomaasiyeed iyo aqoonsi ka haysta inta badan waddamada adduunka oo Maraykanku u horreeyo, waxaana dalalkaas ka mid ah Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka midaysan yihiin dhinacyada dimuqraadiyadda, xorriyadda iyo madax-bannaanida. Somaliland ayaa xafiis dibloomaasiyeed ku leh magaalada Taipei, halka Taiwan xafiis la mid ah ku leedahay magaalada Hargeysa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net