Madaxweynaha Maraykanka Oo Safiir Cusub u Magacaabay Soomaaliya

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa Safiir Cusub u magacaabay Dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay wareegto 27-kii bishan March ka soo baxday Aqalka Cad ee Maraykanka.

Madaxweyne Joe Biden, waxa uu Safiirka dalka Maraykanka u magacaabay dublomaasi lagu magacaabo Richard H. Riley oo dhowr iyo tobankii sanno ee u dambeeyey ka shaqaynayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Danjire Richard H. Riley, ayaa beddelaya Mr. Larry André oo Xilka Safiirka Maraykanka u jooga Soomaaliya la wareegay bishii February 2021-kii.

Safiirka xilka sii bannaynaya ee Maraykanka, ayaa qoraal uu maanta ku baahiyey barta Twitterka ee Safaaradda Maraykanka ku sheegay inuu khadka tefeonka kula hadlay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay inay ka wada-hadleen xiisadda colaadeed ee ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool iyo Arrimaha Doorashooyinka Somaliland.

“Madaxweyne Biixi wuxuu awood u leeyahay inuu kala fogeeyo ciidamada Laascaanood ku sugan iyo inuu diyaariyo nidaam suurtagelinaya qabsoomidda doorashooyinka soo socda.

Wada-xaajood aan galabta la yeeshay, waxaan ku dhiirigaliyay inuu sameeyo labada arrimoodba.” Sidaas ayuu safiirku ku sheegay qoraalkiisa oo qaladaad dublomaasiyeed ka muuqday marka loo eego siyaasadda Dowladda Maraykanka ee Gobolka Geeska Afrika.

Horaantii bishan March, ayaa la shaaciyey inuu Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Mr. Larry André ka fadhiisanayo xilka uu hayo, iyadoo sababta keentay arrintan lagu sifeeyey qaladaad dublomaasiyeed oo uu galay masuulkan oo Xilkaas loo magacaabay hal sanno ka hor safarkii madaxweyne Muuse Biixi ku tagay Dalka Maraykanka bishii March sannadkii 2022-dii.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net