Madaxweynaha Maraykanka Oo Culays Lagu Saaray Aqoonsiga Somaliland.

Madaxweynaha Maraykanka

Waxa isa soo taraya Culaysyo dalalka Maraykanka iyo UK lagu saarayo inay hormuud ka noqdaan Aqoonsiga Somaliland.

Sida ay qortay Warbaahinta Dalka UK, Dowlado aan magacooda la shaacin iyo Dubloomaasiyiin reer Galbeed, ayaa madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden culays ku saaraya inuu Aqoonsado Madax-bannaanida Somaliland.

Sidoo kale, Ololaha Aqoonsiga Somaliland ayaa ka socda dalka UK, iyadoo maalmihii u dambeeyey ay jireen kulamo arrintan lagaga hadlay oo dhexmaray raa’iisal-wasaaraha dalkaas Rishi Sunak, wasiirkiisa Arrimaha Dibadda iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalkaas.