Madaxweynaha Maraykanka Oo Buuxiyay Jagadii Laga Dhintay Ee Maxkamada Sare Ee Maraykanka

Us(Slpost)-Madaxweyne Barack Obama ayaa xaakim ka tirsan maxkamadda racfaanka federaalka Mareykanka oo lagu magacaabo Merrick Garland u magacaabay maxkamadda sare ee Mareykanka, isaga oo beddelaya Antonin Scalia oo geeriyooday bishii tagtay.Isaga oo dhawaqan ka sameynaya beerta Rose ee aqalka cad, ayaa madaxweyne Obama waxa uu sheegay in Garland uu yahay “mid ka mid ah dadka ugu maskaxda fiican dhinaca sharciga”.

333

Obama waxa uu xusay in Garland uu ammaan buuxda ka helay intii uu xaakimka ahaa dhinacyada kala duwan ee Mareykanka.

Garland oo ah 63 jir loo arko inuu yahay dhex dhexaad ayaa iminka ah xaakimka ugu sarreeya maxkamadda racfaanka ee degmada Washington DC.

7 ka mid ah xubnaha aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa u codeeyey markii maxkamadda Washington DC loo magacaabay sanaddii 1997-kii, hase yeeshee Senate-ka oo iminka ay maamulaan xubnaha jamhuuriga, waxa ay sheegeyn inaysan xitaa cod u qaadi doonin.

Waxa ay ku doodayaan in madaxweynaha beddelaya Obama uu soo magacaabo qofka beddelaya Antonin Scalia.