Madaxweynaha Maraykanka iyo Xaaskiisa oo laga helay Cudurka Covid-19

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa shaaciyey in isaga iyo Xaaskiisa Melania Trump laga helay Fayraska Corona, wixii immika ka dambeeyana ay iskarantiilayaan.

Mr Trump oo 74-jir ah ayaa ka mid ah dadka uu cudurkani halista wayn ku keeni karo maadaama difaaca jidhkiisu daciifay, ayaa warkan ah inuu xanuunku haleelay ku shaaciyay bartiisa Twitterka.

Arrintan ayaa imanaysa kaddib markii mid ka mid ah la-taliyaashiisa aadka ugu dhaw Madaxweynaha oo lagu magacaabo Hope Hicks laga helay cudurka Covid-19.

Hope Hicks oo 31-jir ah, ayaa ahayd qofkii ugu dhawaa Mr Trump ee ilaa hadda cudurka laga helo. Haweenaydan ayaa madaxweynaha kula safartay diyaaradda Air Force One markii uu ka qeybgalayay dooddii taleefishinka ee horraantii todobaadkan lagu qabtay Ohio.

Dhakhtarka gaarka ah ee madaxweyne Trump ayaa shaaciyay bayaan uu ku sheegayo in madaxweynaha iyo marwada koobaad ay xilligan xaaladdoodu wanaagsan tahay oo ay qorshaynayaan in gurigooda Aqalka Cad ku sugnaadaan muddada ka-soo kabashada ee loo baahanyahay.

Waxa uu bartiisa twitterka soo dhigay qoraal u dhignaa sidan:- “Hope Hicks oo howl adag haysay oo weliba aan fasax badan qaadan, ayaa laga helay Covid-19. Waa wax aad looga xumaado!” ayuu yidhi