Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland oo Ammaankiisa ku Aamini Waayey Muqdisho, Ciidamo Gaar ah oo ay Isku-beel yihiinna Garoowe ka sii kaxaystay (SAWIRRO)

Muqdisho (SLpost)- Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland ee Somaliya Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) oo maanta isagoo hoggaaminaya wefti balaadhan  ka degay magaalada Muqdisho, ayaa waxa diyuuraddii uu la socday ka soo degay ciidamo hubeysan oo ilaalo u ah.

Gaas Ciidan (2)Ciidamada la socday Madaxweyne Cabdiwali Gaas ayaa waxay ku lebisnaayeen dareys ciidan oo u gaar ah iyagoo u muuqaal ekaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee nabad sugida Somalia (Alpha Group).

Gaas Ciidan (1)Arintan ayaa ku soo aadeysa xili ciidamo ka socda midowga Afrika oo caalami ah iyo kuwa dowlada Somalia ay joogaan magaalada Muqdisho, lamina garanayo ujeeddada uu ciidankaas hubeysan u soo kaxeystay madaxweynaha Puntland iyo sababta uu isugu aamini waayey ciidamada AMISOM oo ilaalada ka heyn jirtay wakhtigii uu raisul wasaaraha ka ahaa dowladii KMG aheyd.

Gaas Ciidan (3)Gaas Ciidan (4)

Xigashada SAWIRRADA: Dayniile