Madaxweynaha Koonfur Afrika Oo Raaligalin Ka Bixiyay Lacagta Dawlada Ee Uu Guriga Ku Dhistay Sheegayna Inuu Bixinaayo Lacagtaas

Hargeysa(Slpost)-Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa sheegay inuu raali gelin ka bixinayo arrinta loo heystay ee lacagaha malaayiinta dollar ah ee uu ku dayactiray gurigiisa gaarka ah.

Zuma ayaa sheegay inuu u hoggaansami doono go’aanka maxkamadda oo ku amartay inuu bixiyo lacagta malaaytiinta dollar ah ee ay ku xukuntay maxkamadda ugu sareysa Koonfur Afrika.

Shalay ayaa maxkamaddu waxay sheegtay Madaxweyne Zuma si khalad ah u isticmaalay lacagtaasi isla markaana uu bixiyo dhamaanteed.

Madaxweyne Zuma ayaa arrintan kaga dhawaaqay telefishinka dalkaasi oo uu si toos ah uga hadlayay.

Zuma waxa uu sheegay inuu soo dhaweynayo go’aankii maxkamadda isla markaana uu u hoggaansamayo.

Xisbiga ka talinaya dalkaasi ee ANC ayaa sheegay in uu rumaysanyahay in Mr Zuma uusan u bareerin in uu ku xadgudbo qaanuunka dalkaasi, waxuuna ku gacan sayray baaqa mucaaradka ee ah in madaxweyne Zuma uu iscasilo.