Madaxweynaha Koonfur Afrika Oo Maxkamada Sare Ee Dalkaasi Ay Ku Xukuntay Dastuur Jabin

Hargeysa(Slpost)-Maxkamada sare ee Koonfur Afrika ayaa go’aan ka gaartay dacwad Madaxweyne Jacob Zuma oo la xiriirta lacagta dowladda oo lagu bixiyay guri uu dhisanayay.

zuma

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in Mr Zuma uu ku guuldaraystay inuu adeeco dastuurka, isagoo iska indho tiray baaritaankii ay sameeyeen hayadda la dagaalanka musuqmaasuqa.
Hogaamiyaha mucaaradka ayaa ku baaqay in madaxweynaha uu xilka ka dago.
2014-kii ayaa hayadda ilaalada lacagta dadwaynaha ee Koonfur Afrika, ay heshay in madaxweynaha uu ka faa’iiday malaayiin dollar oo gurigiisa uu ku dhisay.