Madaxweynaha Koonfur Afrika Oo Lagu Qasbay Inuu Bixiyo Badhkamid Ah Lacag uu Si Xad-dhaaf Ah Ugu Hagaajiyay Guri Uu Leeyahay

Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne Jacob Zuma ayaa waxa uu sheegay in uu doonayo in uu dib u bixiyo lacagta uu muranka badan ka dhashay ee uu ku casriyeeyay ammaanka guriga uu gaarka u leeyahay ee ku yaal tuulada Nkandla ee baadiyaha gobolka KwaZulu Natal.

Waxa uu ku sheegay bayaan uu soo saaray xilli dambe oo maalintii Talaadada aheyd in uu qorshahan u diray diiwan hayaha Maxkamadda Dastuuriga.

Baaritaan musuq maasuq oo ay horkacaysay dacwad ooge Thuli Madonsela ayaa 2014-kii lagu sheegay in madaxweynuhu uu si xad dhaaf ah uga faa’iidaystay lacagta qaranka.

Waxa ay ku eedaysay Mr Zuma inuu ku kacay hab dhaqan aan wanaagsaneyn.

Warbixinteeda ayaa waxaa lagu ogaaday in barkad lagu dabaasho, goob digaaga lagu hayo, xero lo’aad iyo masrax ay ka mid ahaayeen goobaha qurxinta lagu sameeyay.

Waxa ay ku talisay in uu madaxweynuhu dib u bixiyo qeyb ka mid ah lacagaha loo isticmaalay waxyaabaha aanan ammaanka la xiriirin.

Wadarta guud ee kharashka lagu casriyeeyay ammaanka ayaa lagu qiyaasay in ay gaarayso 10 milyan oo doolar.