Madaxweynaha Kiiniya Oo Tuug iyo Kuwo Qabyaalada Taageera Ku Tilmaamay Dadkiisa Xili uu Joogay Israa’il

Hargeysa(Slpost)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenya ayaa sheegay in dadka dalkiisa ay “khabiiro ku noqdeen wax xadidda iyo geysashada falal dembiyeedyo kale”. Waxa uu hadalkaasi ka sheegay intuu booqanayay Israa’iil.

uhuru_kenyatta_512x288_afp_nocredit

Mr Uhuru Kenyatta ayaa intaa ku daray in Kenya “20 jeer ay ka mucjiso badan tahay Israa’iil” laakiin “Dhammaan waxa aan sameyneyo aan sheegasho”, ayuu yiri.

Dadka Kenya sidoo kale waa shacab xad gudub geysta, taageerana qabyaaladda, ayuu yiri Uhuru Kenyatta, xilli uu khudbo u jeedinayay Dadka Kenya eek u nool Israa’iil.

Mr Kenyatta waxaa asiga nafsad ahaantiisa lagu eedeeyay inuu ku guuldareysta wax ka qabashada musuqmaasuqa iyo inuu kicinayo qalalaase qowmiyadeed.

Hadaladiisa waxaa loo arkay inuu yahay isku dey uu dadka Kenya ugu baraarujinaayo inay dhistaan dalkooda, sida dadka Israa’iil, waxaa sidaasi sheegay Wanyama Chebusiri oo ah weriye ka tirsan BBC-da oo ka howlgala Nairobi.

Sikastaba, Dad badan oo Kenya u dhashay waxa ay aaminsan yihiin in hadalka madaxweynaha uu yahay tooxsi oo keli ah, aysanna asiga dhab ka ahayn ladagaalidda Musuqa ama kala qeybsanaanta qowmiyadaha eek a jirta Kenya.

Mr Kenyatta waxaa Maxkamadda dembiyada caalamiga ah ay ku eedeysay inuu kiciyay dagaal qowmiyadeed xilligii doorashadii lagu murmay ee 2007dii, taas oo ay ku dhinteen in kabadan 1,200 oo qof.

Laakiin kiiskaasi waxaa la laalay 2014kii, kaddib markii xafiiska dacwad oogista uu sheegay inaysan u ahayn cadeyn ku filan dacwadda ka dhanka ahayd Mr Kenyatta. Asiga dhankiisa wuu beeniyay eedahaasi loo jeediyay.