Madaxweynaha Kenya Oo Magacaabay 10 Wasiir oo Xubno hore ku jiraan

Madaxweynaha Kenya Oo Magacaabay 10 Wasiir oo Xubno hore ku jiraan
William Ruto, Madaxweynaha Kenya

Nairobi (SLpost)- Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, ayaa Jimcaha maanta soo saaray wareegto uu ku magacaabay Xubnaha Golihiisa Wasiirrada, kaddib markii uu toddobaadkii hore caydiyey Golihiisii Wasiirrada oo ka koobnaa 21 xubnood.

Madaxweyne William Ruto, waxa uu magacaabay 11 xubnood oo lix ka mid ahi ku jireen Golihii Wasiirrada ee uu xilalka ka qaaday. William Ruto ayaa tallaabadan ku qaaday dalabaadyo ka dhashay bannaan-baxyo ay hoggaaminayeen Dhalinyarada dalkaas oo hore u qasbay inuu ka laabto cashuur-kordhin xukuumaddu soo rogtay.

William Ruto waxa uu xilalkii ay hayeen dib ugu magacaabay Wasiirkii hore ee Difaaca Aadan Barre Ducaale, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Kithure Kindiki iyo Wasiirkii Deegaanka Soipan Tuya.

Golaha Wasiirrada ee Madaxweyne Ruto maanta magacaabay, waxa ay kala yihiin.

  1. Kithure Kindiki – Wasiirka Arrimaha Gudaha
  2. Aadan Barre Ducaale – Wasiirka Difaaca
  3. Davis Chirchir – Wasiirka Gaadiidka
  4. Soipan Tuya – Deegaanka
  5. Eric Muriithi – Wasiirka Biyaha
  6. Andrew Muhia Karanja, Wasiirka Beeraha
  7. Alice Wahome, Wasiirka Hawlaha Guud
  8. Dr Margaret Ndungu – Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda
  9. Dr Debra Mulongo Barasa, Wasiirka Caafimaadka
  10. Julius Migos Ogamba, Wasiirka Waxbarashada
  11. Rebecca Miano – Xeer-ilaaliyaha Guud

Golaha Wasiirrada ee Mr Ruto waxa ku jira Shan Xubnood oo aan wax taariikh ah ku lahayn siyaasadda Dalka Kenya, waxaana xubnahan ka mid ah Wasiirrada Caafimaadka, Beeraha, Biyaha, Isgaaadhsiinta iyo Waxbarashada.